4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 30, 2016
Puntland oo soo bandhigay Magacyada iyo Beelaha Kooxihii fuliyay Qaraxyadii Gaalkacyo ka dhacay


Talaado, August 30, 2016 (HOL) — Puntland, ayaa maanta soo Bandhigtay magacyada iyo Beelaha Kooxihii ka dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaana lagu wargelinayaa dhammaan hay’adaha Ammaanka Puntland in inay soo qab-qabtaan dhagar-qabayaasha ka tirsan Al-shabaab ee geystay falkii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Falkaas oo ay naftooda ku waayeen dad badan, isla markaana ay hanti tiro badan ku burburtay, ayaa waxaa mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab, iyadoo dadka geystay lasoo bandhigay magacyadooda.

Haddaba dadka lasoo bandhgay magacyadooda waxay kala yihiin:

1. Maxamed Nuur Jaamac ama Bashiir Maxamed Nuur oo loo yaqaano “BINU MAXAMED” Da’diisa: 40-45 sanno jir. ,Ku dhashay Gaalkacyo.una dhashay Beeshiisa: Cumar Maxamuud/ Reer Mahad.  Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada Al-shabaab ee Gobollada Puntland.

2. Nuur Maxamed Cabdullaahi ama Nuur Cabdullaahi Diini oo loo yaqaano “NUUR DEEQ” Da’diisa: 45 sanno jir. Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo. Beeshiisa: Sacad/ Reer Hilowle. Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada iyo Dilalka Al-shabaab ee Gobolka Mudug.

3. Cabdulqaadi Xaaji Yuusuf, Ku dhashay: Gobolka Mudug. Beeshiisa: Dir/ Qubeys.

4. Cabdishakuur Mire. Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo. Beeshiisa: Sacad/ Reer Nimcaale.

5. Muxiyadiin Dakharre. Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo. Beeshiisa: Sacad / Reer Hilowle.

Sidoo kale, Waxaanu warbixinta lagu soo gudbiyay a magaca dhagar-qabihii isku qarxiyey xarunta Dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo 21-kii Agoosto, 2016-ka, kaasoo gaarigii Noohada ahaa ee qaraxa geystey isku qarxiyey, kaasoo lagu sheegay inuu ahaa; C/llaahi Fanax, Da’diisa: 22 Sanno jir. Ku dhashay Ceel-waaq , Beeshiisa: Marreexaan/ Uur-midig.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
Email:
[email protected]
Garoowe, Puntland - Soomaaliya