4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 30, 2016
Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho

Talaado, August 30, 2016 (HOL) — Ugu yaraan shan ruux ayaa ku geeriyooday, 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen, qarax is-miidaamin ahaa oo Goor-dhaw ka dhacay Afaafka hore ee xarunta Madatooyada Somalia ee Muqdisho.

Gaadiidka gurmadka deg-degga ah iyo kuwa Ciidamada oo wada dhaawacyo kala duwan ayaa lagu arkayaa waddada muhiimka ah ee Maka Al-mukarama, waxayna gaadiidka ciidamada ee dhaawacyada wada ay furayaan mararka qaarkood rasaas culus.

Illaa hadda lama oga khassaaraha rasmiga ah ee qaraxan ka dhashay, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa, waxaase wararka qaarkood ay sheegayaan in lala beegsaday xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Hay’adaha Ammaanka Dowladda Somalia ayaan dhankooda weli ka hadlin Qaraxa iyo khasaaraha uu geystay, waxaase qarxyada noocan oo kale ah intooda badan sheegata Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Somalia iyo ciidanka AMISOM.

Wixii kasoo kordha Weerarkan qaraxa ah, waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya