4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 30, 2016
Tahriibeyaal gaaraya 6,500 oo badda lagasoo badbaadiyay

Talaado, Agoosto 30, 2016 (HOL)-Ku dhawaad 6,500 oo muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyay badda meelo ka baxsan xeebaha Liibiya shalay Isniintii.

Sidaa waxaa laga soo xigtay oo wakaaladaha wararku ka soo xigteen ciidamada ilaalada ee Talyaaniga. Waxay ciidamadaasi sheegeen shalay inay u ahayd mid ka mid maalmaha ay ugu mashquulka badnaayeen taariikhda gaar ahaan intii ay ku guda jireen hawlaha samatabixinta weliba sanadihii dhowrka ahaa ee ugu dambeeyay.

Sawiro laga naxo oo laga soo qaaday dadkaa ayaa muujiyay ilaa 700 dad gaaraya oo saaran ama ku dhooban hal doon oo yar oo nooca kalluumeysiga ah.

Qaar ayaa ka booday doonta kuwaasoo xirnaa jaakadaha badbaadada ama loo yaqaano afka qalaad life jackets ayagoo usoo dabbaalanaayay dhanka ay ka jireen badbaadiyeyaasha.

Cunug shan bilood oo qura jira ayaa ka mid ahaa carruur kale oo lasoo badbaadshay  waxaana diyaarad loo saaray isbital kuyaala Talyaaniga.

Sidaa waxaa laga soo xigtay sidoo kale MSF oo ayana hawsha samatabixinta ah ka qeyb qaadatay.

"Waxaa samatabixinta ka qeybqaatay maraakiib laga leeyahay Talyaaniga iyo hayada xaduudaha ee Midowga Yurub ee Frontex anagoo badbaadinay 6,500 oo qof". Sidaa ayay barta Twitter-ka ku sheegeen ciidamada ilaalada xeebta ee Talyaaniga.

Sanadkaan inta muhaajiriin soo galay Talyaaniga waxay tiradoodu gaareysaa 112,500 oo qof.

Dadkaa ayaa badankoodu ka kala yimid Galbeedka Afrika iyo gobolka Geeska Afrika.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]