4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 30, 2016
SAWIRRO: Danjire Madeira oo Beesha Caalamka ugu baaqay inay Kordhiyaan Taageerada Somalia
Talaado, August 30, 2016 (HOL) — Ergayga Ururka Midowga Afrika ee arrimaha Somalia, Danjire Francisco Madeira, ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay inay kordhiyaan Taageerada ay siiyaan Ciidamada Qaranka Somalia, si ay awood ugu yeeshaan la dagaallanka xoogagga Al-shabaab.

Dajire Madeira oo ka hadlayay kulan lix maalmood socday oo ay ka qayb-galeen taliyeyaasha qaybaha ciidamada AMISOM iyo kuwa Ciidanka Somalia ayuu wuxuu xusay in Somalia ay soo kaabanayso una baahan tahay in gacan la siiyo.

“Waxaanu doonaynaa inaan iska kaashanno hawl-gallada, sirdoonka iyo sidoo kale fulinta hawlaha lagama maarmaanka ah ee aan halkan u joogno dhammaanteen,” ayuu yiri Danjire Madeira oo intaas ku daray. “Beesha caalamka waxaan ka rabnaa inay xoojiyaan caawinta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, si ay awood buuxda ugu yeeshaan la dagaalanka Al-shabaab.”

Sidoo kale, Madeira ayaa sheegay in dhawaan la hirgelin doono xero tababar oo ay ugu magacdareen [Guul-wade], taasoo uu xusay inay u baahan tahay in qalabka iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka ah laga caawiyo, si ay u soo saarto ciidammo hawlgallo gaar ah fulin kara.

Dhanka kale, Danjiraha ayaa sheegay inuu qorshe la doonayo in ciidamada Somalia ay qayb uga qaataan kuwa AMISOM ee Soomaaliya a socda, kuwaasoo uu xusay in tiradoodu ay tahay 10,900 oo askari.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka oo isagana goobta ka hadlya ayaa sheegay in ciidamada Somalia ay diyaar u yihiin inay ciidamada AMISOM qayb kala qaataan hawlgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa wuxuu ka mid noqonayaa kulammo dhawr ah oo ay yeesheen saraakiisha ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, kuwaasoo ka ah qayb qorshayaasha lagu xoojinayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya