4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 30, 2016
Kulan looga hadlayay dib u howlgalinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka dhacay magaalada Birmingham, UK

Talaado, Agoosto 30, 2016 (HOL)-Kulan ay soo qabanqaabiyeen aqoonyahanno wax ku soo bartay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed (JUS), ayna ka soo qayb galeen waxgaradka jaalliyada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Birmingham ee waddanka Ingiriiska.

Kulanka oo ahaa mid si wanaagsan loo soo abaabulay, waxaa warbixin dheer oo xiiso badan  ka soo jeediyay G/Ku xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Aadan Guuleed Shabeel  oo kulanka marti ku ahaa.

Mudane Shabeel ayaa warbixintiisa  ku soo bandhigay qoraallo iyo   muuqaallo aad loogu qiirooday oo  muujinayay heerarkii ay soo  martay  jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed , burburkii gaaray iyo xaaladaha  ay  hadda ku sugantahay.

G/ Ku xigeenku  wuxuu warbixintiisii  ku soo gunaanaday codsi uu u soo jeediyay Soomaalida  dibadaha ku  nool, siiba reer Birmingham oo uu ka codsaday in ay jaamacaddooda garab istaagaan, xilligan ay hooyaadii tacliinta sare ee Soomaaliyeed (JUS) u baahantahay hiil buuxa ooh agar la’ aan ah.

Wax garadkii kulanka ka soo qaybgalay oo u badnaa ardadii wax ku soo baratay kulliyadihii  JUS, qaarkoodna ayba macallimiin ka soo noqdeen ayaa halkaas ka soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo ku wajahan dib u howlgalinta jaamacadda iyo sidii looga gudbi lahaa duruufaha culus ee ku hareeraysan.

Waxaa sidoo kale si weyn loogu mahadceliyay hoggaanka JUS oo sameeyay dadaal naf-hurnimo ah, waxayna  aqoonyahannadii halkaa isugu yimid ballanqaadeen in ay hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan halganka loogu jiro dib u howgelinta  Jaacaddii Umadda Soomaaliyeed.