4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2016
DHAGEYSO: Jubbaland oo hakad gelisay Qoxooti ka soo Noqon lahaa Xeryaha Dhadhaab ee Kenya
Isniin, August 29, 2016 (HOL) — Maamul-goboleedka Jubbaland, ayaa maanta sheegay in ay hakiyeen Qoxootigii laga soo celinayay Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya. Iyagoo arrintaan u sababeeyay, kaddib markii sida looga baxay ballan-qaadyo horey looga sameeyay oo ahayd in dadka lasoo celinayo la siinayo adeegyada ay u baahan yihiin, marka ay gudaha Soomaaliya soo gaaraan.

Sidooo kale, Maamulka ayaa sheegay in Qoxootigan ay ku hakiyeen deegaanka Dhoobley, isla markaana aysan ogolaan doonin in ay uga soo gudbaan Jubbaland maadama aysan qaadi karin culeyska iyo tirada Qaxootiga soo noqonaya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Maxamed Warsame Darwiish, ayaa Tallaabadaan uu Qaatay Maamulka Jubbaland uga Warramay Idaacadda VOA-da, wuxuuna sheegay in uusan maamulku qaadi karin culeys kale oo qoxootiga soo laabanaya ah.

DHAGEYSO: Wareysiga uu Darwiish siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya