4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2016
Dowladda Iiraan oo Hir-gelinaysa markii ugu Horreysay INTERNET Raqiis ah oo Dalkeeda gaar u ah


Isniin, August 29, 2016 (HOL) — Dowladda Iiraan - ayaa ku dhawaaqday inay dhameysay wajigiii koowaad qorshe ay ku samaysanayso Internet waddankeeda u gooni ah. sida uu ka sheegay
Xafladda furitaanka Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta Iiraan, Mahmoud Vaezi Axaddii shalay.

Wakaaladda Wararka ee dalka Iiraan, ayaa sheegtay in mashruucan uu bixin doono Internet tayadiisu wanaagsan tahay, dhaqso badan oo raqiisna ah. laakiin dadka dhaleecaynaya ayaa sheegaya in ujeeddada mashruuca ay tahay in dowladda ay koontaroosho waxa ay bulshada internetka u isticmaalayaan.

Inkastoo Dowladda Iiraan ay xayirtay baraha bulshadu ku xiriirto Sida; Twitter, Facebook iyo Instagram oo saldhiggoodu yahay dalkaas dibadiisa, hadda waxaa isticmaala macaamiil badan, iyagoo adeegsanaya adeegyada internetka ee qaaska ah ee (VPNs).

Xayiraad aan wada dhameyn;

Ujeedada ka danbaysa mashruuca ayaa markii u horaysay lagu dhawaaqay 2010, wuxuuna qorshaha uu ahaa in la hirgaliyo sanadka 2015.

Dowladda ayaa sheegtay in ujeeddada ay tahay in la sameeyo internet gaar u ah waddanka oo loo isticmaali karo xogta Islaamka iyo in kor loo qaado isticmaalka Digital-ka ee dadka.

Ujeeddada ayaa lagu sheegay in ay tahay in lagu beddelo Internet-ka la isticmaalo, kaasoo Dowladdu ay xayirto meelaha qaar, laakiin dadka ay is ticmaalaan adeegyada qaaska ah ee internetka ee (VPNs), iyadoo Mr Vaezi uu ku tilmaamay 'xayiraad aan wada dhamayn'.

"Dhamaan adeegyada Waddanka, barnaamijyo badan oo kala duwan ayaa ku jira Internet-ka waddanka ayuu sheegay wasiirka, oo hadalkiisa ku daray in mashruucan uu ka hor-tagi doono weerarka lagu qaado kambiyuutarrada.

Wakaaladda Wararka Iran ee Mehr ayaa baahisay sidan:

◾Wajiga hore waxaa dadka helayaan webiteyada dowladda iyo Web-siteyada Shirkadaha waddanka.

◾Wajiga labaad oo billaabanaya Bisha Feberaayo ee Sannadka soo socda 2017-ka, Waxaa lagu darayaa Fiidiyowyada Waddanka

◾Wajiga Saddexaad oo billaabanaya March 2017, ayaa bilaabaya adeegyo dheeraad ah oo taageeraya shirkadaha sameeya ganacsiga caalamiga.

Balse, BBC-da ayaa baahisay in kooxda Britishka ah ee u ololaysa Xaquuqda Aadanaha ee Article 19 ay ka digtay mashruucan, iyadoo sheegtay in mashruucan Internet ee Waddanka Iiraan uu sii ballaarinayo xayiraada, ilaalinta iyo xog la'aanta.

Ugu dambeyntii, Kooxda Article 19 ayaa tiri. "Tani waxay khatar-galinaysaa inay Iiraan ka soocdo Internet-ka caalamka intiisa kale, iyadoo xukuumadda Iran ay doonayso inay xayito sidii xog loo heli lahaa iyo in looga hor-tago inay Dadku sameeyaan mudaaharaadyo ay ku dalbanayaan xuquuqdooda,"

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya