4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2016
Iska-horimaad khasaare geystay oo ka dhacay Maanta Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo


Isniin, August 29, 2016 (HOL) — Ugu yaraan shan qof, ayaa ku geeriyooday is-rasaaseyn maanta ka dhacday gudaha degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana dhaawacyo ay ka soo gaareen Toban ruux, sida ay sheegeen Goob-joogayaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo kan Jubbaland.

Dagaalkan ayaa yimid, kaddib markii ciidan ka tirsan maamulka Degmadaas ay weerareen kooxo hubeysan oo shalay kasoo horjeeday isbedel maamulka Degmada Balad-xaawo lagu sameeyay, kuwaasoo shalay toogtay askari ka tirsan ciidamada ka amar-qaata maamulka.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in saddex ruux ay ku Geeriyoodeen Guriga kooxahaan lagu weeraray, halka labada kalena ay u geeriyoodeen dhaawacyo ka soo gaaray dagaalka.

“Ciidammo ka tirsan maamulka ayaa weeraray guri ku yaalla Xaafad Bariga Balad-xaawo ku taalla, Waxaana Halkaas lagu dilay qaar ka mid ahaa kooxo Hubeysan oo tan iyo xalay ku dhuumaaleysanayay gurigaas,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool degmada Balad-xaawo oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Maamul-goboleedka Jubbaland, C/rashiid Xasan Nuur oo ka hadlay isagana iska-horimaadkan khasaaraha geystay ayaa sheegay in kooxo fallaago ah ay weerar ku qaadeen ciidamada Jubbaland, ayna khasaare u geysteen.

Wasiirka ayaa xusay in qaarkood la dilay, qaar kalena nolosha lagu qabtay, kuwaas oo uu sheegay in hadda lagu hayo xabsiga, laakiinse ma uusan sheegin tallaabadan ay ka qaadan doonaan kooxaha gadoodsan ee nolosha lagu qabtay.

Dhanka kale, Waxaa tan iyo maanta kacsanayd xaaladda degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, iyadoo ay xiran yihiin Ganacsiga iyo dhaq-dhaqaayadii kale ee caadiga ahaa ayna ku sugan yihiin shacabka Guryahooda.

Ugu dambeyn, Shaqaaqada Maanta ka dhacday Balad-xaawo ayaa imaanaysa iyadoo xalay iyo shalay ay ka dhaceen degmadaas laba Qarax oo geystay khasaare nafeed oo isugu jirtay dhimasho iyo dhaawac.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]om
Muqdisho, Soomaaliya