4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2016
Shiinaha oo shaki galiyay awooda Japan-ku u leeyahay inuu kasoo baxo waxyaabihii uu ballan qaaday intii uu socday shirkii TICAD

Isniin, Agoosto 29, 2016 (HOL)-Shirkii TICAD ee Nairobi lagu qabtay ee u dhexeeyay Japan iyo dawladaha Afrika ayaa shalay lasoo gabagabeeyay galinkii dambe.

Japan ayaa dawladiisu u ballan qaaday Afrika waxyaabo badan oo xiriirada ganacsiga iyo iskaashiga loogu tala galay iyo weliba taageero.

Laakiin shirku markii uu dhammaaday ayaa ergay hore oo Shiinaha u fadhin jiray Nairobi uu warfidiyeenka u sheegay in dalka Japan uu kubiiri karo si sahal ah, dalal badan oo Afrika waxyaabo aad u badan ka ballan qaaday balse wax aad u yar un u qabtay Afrika ilaa hada oo la joogo.

“Weligoodba ma yara shirarka iyo ballan qaadyada loo sameeyo Afrika, laakiin ficilka iyo hirgalintu weligood lama socon. Waxaanu rajeyneynaa in shiriigyadu ay dhowri doonaan ballan qaadyadii ay galeen ayagoo raacinaaya ficilo dhab ah isla markaana u leh miro dhal wax ku ool ah dadka Afrikaanka ah,” sidaa ayuu Axadii aanu soo dhaafnay ku sheegay bayaan.

Shirka TICAD wuxuu ahaa kiisii ugu horeeyay ee lagu qabto qaaradaan Afrika (Ticad VI). Waxaa shirkaa intii uu socday dawlada Japan ballan qaaday 3 tiriliyoon oo shilinka Kenya ah inay ku maal galin doonto kaabeyaasha Afrika, caafimaadka qaarada iyo mashaariic kale saddexda sano ee soo socoda si sare loogu soo qaado dhaqaalaha qaarada.

Habeynkii Axada ee Isniintu soo galeysay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta waxay kulan wada qaateen raisal wazaaraha Japan Shinzo Abe waxayna wada saxiixdeen heshiisyo labo geesood ah oo dheeraad ah kuwaasoo Japan ay ku yaboohday 10 bilyan oo shilin oo lagu maalgalinaayo mashaariic kusaabsan daryeelka caafimaadka.

Shiinaha iyo Japan kasokow inay ku tartamayaan Afrika waxay sidoo kale ku muransan yihiin lahaanshiyaha jaziirado ku yaala badda koofurta iyo bariga Shiinaha (South-China Sea).

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]