4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2016
Danjiraha Somalia ee Mareykanka oo la Kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Columbus (SAWIRO)

Isniin, August 29, 2016 (HOL) — Xafladan  soo dhaweynta ah oo loo sameeyay Safiirka Dowlada Soomaaliya u jooga dalka Mareykanka Ahmed Eise Awad oo maalintii Jimcaha soo gaaray Magaalada Columbus, OHIO - waxaa soo Abaabulay Ururka Somali American Leadership Council.

Waxaa ka soo qeyb galay, Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Columbus Ohio.

Qaarkamid ah ka soo qeybgalayaasha xafladan oo ka kala yimi magaalooyinka ku Xeeran Columbus ayaa qaarkood si weyn u danaynayay in ay safiirka wax ka weydiiyaan arimo badan.

Aqoonyahan iyo siyaasiyiin badan oo ka hadlay xaflada waxa ay guud mareen Ahmiyada Safaaradu u leedahay Bulshada ay matasho iyo in looga bahanyahay in ay wax badan wax ka qabtaan.

Safiirkii ugu Dambeeyay ee Dowladdii Dhexe u joogay Washington DC, Abdikarim Ali Omar ayaa waxa uu sawir ka bixiyay waxa safaaradu u taagantahay iyo howlaha safiirka, isaga oo xusay in marxalad adag ay ku shaqeeyaan safiirada xiligan matala Soomaaliya maadam aaysan jirin Dowlad wax walba xalin karta.

Wuxuu shacabkii goobta ku sugnaa ka codsaday in Danjiraha loo fahmo wuxuu yahay iyo waxa uu hayo in ay dhaqaalo la'aanta haysata Dowlada Soomaaliya ay saamayn buuxdo ku leedahay safiiradooda dibada.

Safiirka oo si weyn loo sugayay ayaa markii uu hadalka qaatay waxaa la daremayay in dadku aad u daneeynayaan qodobada uu ka hadli doono qaarkood sida dhalinyarada ku xiran xabsiyada oo Soomaali badani ay ku dhaliilayaan in safiirku uu fududeeyay in dib dalkii loogu celiyo.

Waxaa Safiirku uu aad uga hadlay Wax-qabadkii Safaradda muddadii uu joogay iyo waxa horyaala wali, isaga oo ka hadlay in wax wayn ay u tartay Jaaliyada Soomaaliyeed bixinta Baasaboorka Soomaaligaa oo markii ugu horeysay mudo 25 sano kadib ah laga bixinayo Safaarada Soomaalidu kuu leeyihiin DC.

Arrimaha dhallinyarada xiran oo uu aad ugu dheeraaday waxa uu safiirku u kala qaaday dhowr qaybood, kuwo u Xiran dambiyo kala duwan oo ay ka sameeyeen Gudaha Dalka Mareykanka, Kuwo soo tahriibay oo ku xiran Gobollada Xaduudaha ku yaala, iyo kuwo siyaabo kale xabsiga u mutaystay.

".Kuwa dambiyada ka galay dalkaan Dowladda Mareykanka ayaa xaq u leh in ay go'aan ka gaarto haddii muddada maxkmaddoodu dhammaato oo la fasaxo inay iyaga ama ehelkooda naga dalbadaan dib u celin waan u fududeeynaa," ayuu yiri.

 Kuwa habka tahriibka ku soo galay oo ahaa kuwa ugu daran oo dadku ka careysnaayeen in dib loo celiyo qaarkoo safiirku waxa uu iska fogeeyay in saafaradu aysan qaadan karin go'aan iskeed ah oo dib u celin ah lakin dowalada Mareykanaka ay u madax banaantahay in ay qaabisho dadkaasi iyo in ay dib isaga celiso, hadii ay go'aansato dib u celin oo ay naga codsato in waraaqaha aan u samayno sharci mahan in aan dhahno dadkeena ma rabno oo dalkoodu ma rabo.

Tusalaayaan badan ayuu safiirku soo bandhigay sida qaar ka mid ah Soomaalida xiran oo soo wacay xafiiska iyaga oo codsanaya in safiirku dhaho Soomaaliya Nabad mahan taas oo buu yiri dhaawac ku ah qaranimadeena iyo dowladnimadeena Safaarad dalkeeda xumaan ka sheegtana majirto dunidan.

Ugu dambeyn, Danjiruhu wuxuu kulammo gooni gooni ah la qaadanayaa qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo ardada wax ka barata Jaamacadaha iyo Kuliyadaha Ohio.

Deeqo Shire SONNA, Hiiraan Online
[email protected]  
Magaalada Columbus, OHIO