4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2016
Jaaliyada Columbus oo taagray Garaad Maxamed Garaad Abshir oo Aabbihii bedelay (SAWIRRO)

Isniin, August 29, 2016 (HOL) — Xaflad ay ka qeybgaleen Qeybaha Bulshada, ayaa lagu taageerayay looguna hambalayaynayay Garaad Maxamed Garaad Abshir oo loo doortay in uu badalo Aabihii Garaad Abshir oo dhawaan geeriyooday.

Dad u badan dhaqanka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Columbus Ohio  ayaa ka hadlay xaflada taageerada iyo Hambalyadaa waxa ayna ka sheekeeyeen Taariikhdii abaha dhalay suldanka cusub oo ahaa Nin kaalin muuqata bulshada uga jiray iyada oo isagana loo rajeeyay in uu ka shaqeeyo Nabada iyo isku keenida Bulshada .

Garaadka cusub oo qadka telfoonka uga qeyb qaadanayay xafladan ayaa dhankiisa dadka uga mahadceliyay taageeradooda waxa uuna balan qaaday in howshii aabihii u hayay bulshada Sool Sanaag iyo Cayn uu halkeedii ka sii wadi doono.

Garaad Maxamed Garaad Abshir waa Nin dhalinyaro ah oo qurbaha wax ku bartay lakin in mudaa dalkiisa Hooyo ku sugnaa si uu uga qeyb qaato isbadalka Bulshada, Waxay dadkii aqoonta u lahaa ku tilmaameen inuu hogaamin karo bulshada ku nool gobolladaas, isla markaana leh qibrad iyo waayo aragnimo ku aadan sidii bulshada loo hagi lahaa ama la isugu soo dhaweeyn lahaa.

Waxa mudadii uu qadka uga qeyb qaadanayay xafladan uu balan qaaday in uu si weyn ugu taaganyahay isku keenida Umada Soomaaliyeed iyo helida Nabad ka hirgasha gabi ahaan dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Waxaa lagu wadaa in Garadka lagu caleemo-saaro dalkiisa Hooyo iyada oo caleema saarkiisa ay ka soo qeyb gali doonaan Suldaanada, Wabarada, Nabadoonada, Boqorada, Ugaasyada iyo dhamaan Duubabka Soomaaliyeed, oo kakala imaan doona gobolada dalka iyo dibada.

Deeqo Shire SONNA, Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Columbus, OHIO