4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2016
DAAWO: Minnesota oo lagu qabtay Kulan looga hadlay Xag-jireynta iyo Jinsi-Nacaybka (SAWIRRO)

Isniin, August 29, 2016 (HOL) — Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, Waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay sidii looga hortegi lahaa falalka la xiriira xag-jireynta dhal-linyarada Soomaaliyeed iyo jinsi-naceybka, kaasoo ay ka qayb-galeen madaxda ugu sareey Gobolkan iyo xubnaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota ku nool.

Kulanka oo uu soo qaban-qaabiyay Ururka Codka Haweenka Geeska Afrika ee Voice of East African Women (VEAW) waxaa khudbado ka jeediyay xubno uu ka mid ahaa Governor Mark Dayton, wuxuuna sheegay in gobolka Minnesota aanu u dul qaadan doonin midab takoor iyo faquuq lagula dhaqmo qeyb ka mid ah bulshadiisa.

"Bulshada ku nool Gobolka Minnesota waxay xaq u leeyihiin xornimada diintooda oo dhameystiran, arrintaasina waa aas-aaska mabaadii'da dalkeenna, sidaa daraadeed haddii ay jiraan dad aan aqbali karin xorriyada dadka kale oo ku dhaqan Minnesota waa inay iyagu ka tagaan gobolka oo ay raadsadaan meel kale," ayuu Mark Dayton yiri.

Farxiyo Khaliif oo ah madaxa VEAW, kana mid ahayd hooyooyinkii kulankaan soo qaban-qaabiyay ayaa sheegay inay jiraan Dad Jaaliyadda Soomaaliyeed ku Tilmaama Argagaxiso. Waxayna tiri. "Dalkan waxaan u nimid inaan ka abuurano nolol wanaagsan, waxaan kasoo cararnay dal ay dhibaato ka jirto, sidaa daraadeed inagu ma nihin aragagixiso iyo dad xun midna."Sidoo kale waxaa kulanka khudbado ka jeediyay wakiillo ka socday Hay'adaha Amaanka sida FIB-da, Sheriff-ka, ururka Soomaaliyeed ee Booliska, Culummada, Haweenka iyo Dhallinarada.

Asma Jaamac oo ka mid ah dadkii dhibku kasoo gaartay jir-naceybka iyo muslim naceybka ayaa sheegtay inay xiriir leeyiin labadan arrimood. Iyadoo tiri. "In Islaam naceybka la joojiyo waxay ku xiran tahay in jir-naceybka la joogiyo, waayo waa isla xiriiraan labadan fal, dadkuna waxay kugu soo weerarayaan muslimnimadaada, waxaan ka codsaneynaa xubnaha la soo doortay ee Dowladda noogu jira inay si dheer ula socdaan, waayo caddaalad ma ahan sidaan." Waxayna Asma sannadkii hore ku dhaawacantay weerar ay ku so qaaday haaweeney ka xumeyd muslimnimadeeda iyo luuqaddeeda.

Kulankaan oo ahaa mid muhiim u ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed maadaama lagu jiro xilli doorasho, isla markaana musharaxa Xisbiga Jamhuuriga uu dhawr jeer oo hore u gafay dadka Soomaaliyeed ee nool dalka Mareykanka, gaar ahaa gobollada Minnesota iyo Maine, ayaa dadkii ka soo qeybglaay waxay sheegeen inay muhiim tahay inay dadka Soomaaliyeed muujiyana sida ay uga xunyihin eedeymaha aan xaqiiqada ku saleysneyn.

Ugu dambeyntii, Hay’ada VEAW ayaa Guddoonsiisay Guddoomiyaha Gobolka Minnesota Dayton Shahaado-sharaf ka markhaati kacaysa kaalinta uu uga jira horrumarinta dadyowga gobolka Minnesota, danta dadka laga tirada badan yahay iyo garab-istaaga Soomaalida ku nool gobolka, waxaana guddoonsiisay Farxiyo Khaliif oo ah gudoomiyaha Ururka VEAW.

Siyad Said Sahal, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota