4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2016
Dawlada Kenya oo xallineysa khliaaf kusaabsan xadka u dhexeeya degmooyinka Wajeer iyo Gaarisa

Yuusuf Xaaji oo ah Senetarka Degmada Gaarisa iyo Maxamuud Saalax oo ah isku duwaha arimaha dawlada ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya


Isniin, Agoosto 29, 2016 (HOL)-Dawlada Kenya ayaa labo beelood oo dhul isku haya oo kasoo kala jeeda Lagdera iyo Wajir South (Koofurta Wajeer) ugu baaqday inay is dajiyaan ilaa khilaafka laga xalliyo.

Labadaa beelood oo kala ah Makhabul (Maqaabul) iyo Aulian (Cawlyahan) ayaa sida lagu daabacay maanta barta wararka ee wargeyska Nairobi kasoo baxa ee The Star waxay isku hayaan deegaanada Aqal Aar iyo Fadiweyn waxaana khilaafkaasi soo jiray 10 sano. Sanadkii lasoo dhaafay ayaa khilaafkaa dartii waxaa u dhintay 10 qof kadib markii labada beelood ay dagaaleen.

Dhowr qof oo kale ayaa deegaanadaa lagu dhaawacay. Senetarka Gaarisa, Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in darafyada is haya loo baahan yahay inay xaqiijiyaan in wax dhib ah oo kale uusan goobahaa ka dhicin ilaa khilaafkaa la xallilo.

Shir ka dhacay Gaarisa oo arinkaa looga hadlaayay ayaa waxaa fududeeyay Guddiga Midnimada iyo Wadajirka ee Qaran ee Kenya (NCIC).

Yuusuf Xaaji oo shir guddoominaayay kulankaas ayaa sheegay inay isku raaceen odayaasha labada beelood ee walaalaha ah inay la yimaadaan caddeyn taariikhi ama dukumentari ah oo laga garan karo halka xadku noqonaayo.

15kii bishaana shir kale ayaa la qabtay  oo isla arinkaa ku saabsan halkaas oo colaada in la joojiyo ay labada beelood ee walaalaha ah ku heshiiyeen.

Iskuduwaha Gobolka Waqooyi-bari Kenya Maxamuud Saalax ayaa sheegay in dawladu durba tusin doonto beelaha halka xaduudku yahay.

“Waxaanu fursad u siinay dadka Wajeer iyo Gaarisa inay keenaan caddeyn taariikhi ama dukumentari ah taasoo muujinaysa sababta ay ula tahay in xadku halkaan ama halkaa ahaanayo. Dawladu waxay ku shaqeysaa dukumiintiyada kormeerka, caddeyn iyo calaamado. Tani waa waxa nagu hagi doona go'aaminta halka xadku yahay ama uu ahaanayo,” Maxamuud Saalax ayaa sidaa yiri.

Wuxuu sheegay oo kale in tillaabo sharci ah laga qaadi doono qofkii gardarro keena ama isku dir ka dhex sameeya beelaha  asagoo isticmaalaya "arimo macno weyn aan lahayn sida xaduud oo kale".

Wuxuu sheegay in dawlada ay u yaalaan arimo kale oo ka muhiimsan arinkaa oo wax ka qabasho u baahan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]