4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2016
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo la Dardaarmay Ciidammo loosoo Gaba-gabeeyay Tababar


Isniin, August 29, 2016 (HOL) — Taliyahaa ciidamada xoogga Soomaaliya Jen. Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta Tababar ugu soo xirey ciidamo ka tirsan xoogga dalka, dugsiga tababarka Jazeera, wuxuu taliyuhu la dardaarmay Ciidamaddii tababarku u soo dhamaaday.

Taliyaha oo la hadlayayay ciidanka ayaa tilmaamay in Askarta looga baahan yahay inay kalsooni ka helaan shacabka Soomaaliyeed oo ay u adeegayaan isagoo farta ku fiiqay in askari kasta uu xafido sirta ummadda.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay taliyuhu sida ay muhiimkau tahay in cidanku ay kasoo baxaan Waajibaadka Qaran ee la saaray, gaar ahaan ka Difaaca Waddanka iyo inay ka shaqeeyaan sugidda amniga shacabkooda.

Ugu dambeyn, Ciidanka tababarka loosoo xiray ayaa qayb ka noqon doona ciidanka Danab ee xoogga dalka, waxana munaasabadii Tababarka loogu soo xiray ka qayb-galay saraakiil ka tirsan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya