4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2016
Dugsi cusub oo laga furay Deegaanka Caarooley Waqooyi-bari kaga beegan Laascaanood (Sawirro)

Isniin, August 29, 2016 (HOL) — Waxaa deegaanka Carooley oo 100-km waqooyi-bari uga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa laga furay Dugsi Sare kaasoo shaqsi keligiis ahi uu ka Hir-geliyey, isla markaana dhagax dhigay Dugsi Hoose/Dhexe oo lahaan doonto tuulada dhubuqdhub (Sinu-jiif) oo  Carooley hoostimada.

Dadka degmada Carooley ayaa si  aan oo kala hadhin u soo dhoweeyey C/xakiin Axmed Xirsi, iyadoo ay kaga hortageen degaan aad uga durugsan kuna soo gelbiyey Fardo iyo Gaadiid tiro badan.

Soo dhoweynta ka dib waxaa xadhiga laga Jaray dugsiga Sare ee Xawte Secondary School ee laga dhisay Magaalada Carooley, iyadoo si wadajir ah ay xadhiga uga jareen Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare, Caaqil C/rashiid Cabdi Aabi iyo C/xakiin Axmed Xirsi oo maaligelinta dhismaha, Qalabaynta iyo Sii wadidda Mushahaarada acalimiinta Dusha Saartay.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid ah waxgarad, cuqaal iyo abwaano degaankaasi oo u mahad celiyey Ninka u dhisay dugsiga sare.

Intaas ka dib waxaa halkaasi Lagu gudoonsiiyey C/xakiin Axmed Fardo iyo Geel hadiyad iyo abaalmarin looga dhigayey.

Gabagabadii Munaasibada waxaa adal ka soo jeediyey C/xakiin Axmed oo sheegay in uu sii wadi doono waxqabadka uu bulshda ay ehelka yihiin u wado isla markaana ka dalbay in ay caruuraha wax baraan taasina ay isga in loo abaal gudey uu arki doono.

"Waa soo socdaan qurba- Joogtii anaa u soo horeeyey waxaana rajeynayaa in ay wax badan qaban doonaan, waxaana rajeynayaa in aad Iskoolkan uga faa'iidaysataan maadi iyo diiniba, waxaana keenaynaa qaarna waan keenay macalimiin tayo leh halaga Faa'iidaysto" ayuu yidhi C/xakiin

Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare ayaa soo gabagabeeyey Munaasibadaasi ayaa waxa uu mahadcelin iyo ducuba u soo jeediyey Muwaadinkan isagoo baaqna u diray kuwa maqan ee ilawsan dadkooda.

"Inkastoo C/xakiin yidhi qurba-joogtii waa soo socotaa waxaan leeyahay aan eegno ama way ku dayan doonaan ama sidoodii ayay u maqnaan doonaan," ayuu yidhi garaadku, isagoo intaas ku daray waan ilaalin doonaa xilna waa naga saaran yahay.

Dhibnca kale , wuxuu C/xakiin Axmed Xirsi Dhagax dhigay dugsi hoose Dhexe oo ay Yeelanayso Tuuladda Sin- u-Jiif (Dhubuq-dhubuq), taas oo uu u balan qaaday inuu dhamaytiri doono dhowaan.

Muwaadinkan oo ah kii ugu horeeyey ee guud ahaan degaanadan hawl intaas leeg kelidii dusha u rita ayaa waxa dad badani ay rajeynayaan in dad ku daydaa ay imaan karaan

Magaalada Carooley waxaa ku sugan dhalinyaro aad u tiro badan iyadoo dugsiga Hoose Dhexe ay haatan ku jiraan in ka badan 600 oo arday kuwaas oo u baahnaa dudsi Sare iyadoo dadka qaarna ay sheegayaan in ilaa 30 arday oo awood u waayey inay aadaan meel dugsi sare leh ay ku biireen reer-guuraaga, khasaarena ay u geysatey kobocoodii aqooneed

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]  
Laascaanood, Gobolka Sool