4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2016
Safiirka Soomaaliya ee Baxreyn oo warqadihiisii aqoonsiga gudbiyay

Isniin, Agoosto 29, 2016 (HOL)-Safiirka Soomaaliya ee Baxreyn ayaa warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay waziirka arimaha dibada ee dalkaa.

Waziirka Arimaha Dibada ee Baxreyn, Khaalid  Al-Khaliifa ayaa ka guddoomay safiirka Soomaaliya Daahir Jili warqadaha aqoonsiga. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Safiirka Soomaaliya Daahir Jili ayaa damacsan inuu xiriirka labada dal joogteeyo horumarkiisa iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Waziirka ayaa u rajeeyay safiirka guul iyo horumar uu ka gaaro dawrkiisa asagoo ku baaqay sidii labada daraf ay uga shaqeyn lahaayeen iskaashi dhab ah oo labada dal u dhexeeya gaar ahaan dhanka dhaqaalaha iyo dhanka xiriirada bulshada iyo dhammaan amuuraha ganacsiga.

Safiirka ayaa muujiyay qaddarin uu u hayo rabitaanka waziirku uu ku doonayo dhisida xiriir iskaashi oo xooggan oo u dhexeeya labada dal.

Soomaaliya iyo Baxreyn ayaa ka wada tirsan caalamka Islaamka iyo Jaamacada Carabta.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]