4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2016
Fatahaado Saameeyay Jawhar

Isniin, Agoosto 29, 2016 (HOL)-Webiga Shabeelle ayaa biyo badan soo fatahay ayadoo roobabkii xilligaan la filaayay ay si wanaagsan uga hooreen nawaaxiga Jawhar.

Dadka ku dhaqan nawaaxiga Jawhar ayaa haatan ka cabsi qaba in fatahaada webi Shabeelle ay sii kororto maadaama roobabku weli da'ayaan.

Durba waxaa fatahaaduhu barakiciyeen dad badan oo dagganaa deegaanada BaarreyGumbi, Bayaxow, Liinta, Jahweyn iyo Libiga.

Daadad ayaa sidoo kale baabi'iyay dalagyo badan oo dad beeraley ah ay tacbadeen. Waxaa dalagyada kujira sisin, galley iyo qudaar.

Dadkii ka barakacay fatahaada webiga ayaa waxay haatan ku baaqayaan in lala soo gaaro gargaar baniaadminimo maadaama fatahaadu carqaladeysay maciishadoodii.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]