4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 28, 2016
Qaraxyo khasaare Nafeed Sababay oo Caawa ka dhacay Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo


Axad, August 28, 2016 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo is-xigay oo caawa fiidkii ka dhacay gudaha Degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, kuwaasoo aanay jirin cid sheegay mas’uuliyadooda.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Balad-xaawo ayaa warbaahinta u sheegay in mid ka mid ah qaraxyada uu ka dhacay suuq ku yaalla bartamaha degmadaas, ayna arkeen dhimashada labada qof iyo dhaawaca afar kale.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta maamulka Balad-xaawo - oo iyaguna saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyay in qaraxyadu ay ka dhaceen degmada, ayna Khasaarooyin kala duwan geysteen, inkastoo aysan sheegin khasaaraha inta uu le’eg yahay.

Qaraxyadan ka dhacay degmada Balad-xaawo oo ku dhaw xadka ay Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan, ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo shalay uu Dagaal ciidanka Dowladda FS iyo kuwa Al-shabaab u dhexeeya uu ka dhacay deegaanka Buur-dhuubo ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo ay ka hadleen mas’uuliyiinta dowlada Somalia ee deegaankaas ayay sheegeen inay kaga geeriyoodeen dhankooda laba Askari, Afar kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen, waxayna intaa ku dareen inay Al-shabaab ka dileen afar ka mid xoogagooda, ayna siddeed kale kaga dhaawaceen.

Ugu dambeyn, Al-shabaab oo iyaduna ka hadashay dagaalkaas, ayaa sheegatay inay askar badan oo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ku dileen dagaalkii Buur-dhuubo, laakiinse ma sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]  
Muqdisho, Soomaaliya