4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 28, 2016
Askar ka tirsan Ciidanka DF oo ku dhaawacmay Qarax miino deegaanka Ceel cali ee Gobolka Hiiraan


Axad, August 28, 2016 (HOL) — Saddax ruux oo labo ka mid ah la sheegay in ay ka tirsan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qarax miino deegaanka Ceel cali ee galbeedka gobolka Hiiraan.

Askartaan dhaawucu soo gaaray, ayaa la sheegay inay xilligaa at ku sugnaayeen koontarool lacagaha lagu qaaday, waxaana dhaawacooda lagu dabiibayaa isbitaal ciidamada AMISOM ku leeyihiin dulleedka magaalada Beledweyne.

Ugu dambeyntii, Ruux kale ee dhawacmay ayaa ah ruux shacab ah, sida at Warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya