4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 28, 2016
Askar oo ka tirsan Jamhuuriga oo joojiyay tartankii uu kula jiray Ilhaan Cumar

 

Axad, Agoosto 28, 2016 (HOL)-Murashaxii xisbiga Jamhuuriga ee aqalka degmada ee Minneapolis ayaa sheegay inuu soo afjaraayo ololihiisa si uu u qabto hawlo la xiriira qoyskiisa.

Cabdimaalik Askar iyo Ilhaan ayaa waxaa ay ku loolamayaan kursiga degmada 60B ee Minneapolis.


Waxaa la aaminsan yahay inuu yahay tartankii ugu horeeyay ee loo galo xafiis dawladeed Mareykanka oo labo murashax oo Soomaali Amerikaan ah ay galaan.

Askar ayaa sheegay in noloshiisu adagtahay sanadkaan. Aabihii ayaa dhawaan dhintay, xaaskiisu waa uur asaguna kooras PhD ah ayaa u socda.

"Labo shaqo ayaana hayaa," sidaa ayuu yiri.  "Marka labo shaqo iyo dhammaan masuuliyadahaa, waxaa ii soo baxday inaanan qaban karin ololaha anoo albaabada garaacaya." Intaana wuu raaciyay.

 

Degmada 60B oo ka kooban qeybo ka tirsan xaafada Cedar-Riverside, koofurbari Minneapolis iyo jaamacada Minnesota, haatan waxaa matasha DFLer Phyllis Kahn.


Ilhan ayaa uga adkaatay DFLer Phyllis Kahn tartankii hore ayadoo DFLer Phyllis Kahn  ay u loolameysay teeramkeedii 22aad ee aqalka Minnesota.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]