4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 28, 2016
300 oo kun oo qaxooti ah oo la filaayo inay dhawaan gaaraan Jermalka


Axad, Agoosto 28, 2016 (HOL)-Dawlada Jermalka ayaa fileysa in ilaa 300,000 oo kale oo qaxooti ah ay soo gaaraan Jermalka inta ka dhimman sanadka.

Sidaa waxaa warbaahinta caalamiga ah ay kasoo xigatay Xafiiska Socdaalka iyo Qaxootiga ee dalkaa. Xafiiskaa ayaa sikastaba ha ahaatee wuxuu u caal waayay qaxootigii hore ee galay dalkaa.

In badan oo qaxootigaa ah ayaa durba codsaday magangalyo. Sanadkii lasoo dhaafay oo qura waxaa Jermalka galay ilaa 1 malyan oo qaxooti ah oo ka kala yimid Afghanistan, dalalka bariga dhexe iyo qaarada Afrika.

Haweeneyda madaxa u ah dawlada dalkaa Angela Merkel ayaa u roon qaxootiga balse waxaa muuqata in badi shacabka dalkaa ay siyaasadeeda ku aaddan qaxootiga u arkaan in ay tahay mid xun.

Tirada kooxaha kasoo horjeeda muhaajiriinta iyo taageerada loo hayo ayaa batay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]