4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 28, 2016
Maxaa Soomaaliya uga soo xasilay shirka TICAD?

Axad, Agoosto 28, 2016 (HOL)-Shirka caalamiga ah ee TICAD ayaa wali ka socda caasimada Nairobi Kenya.

Wazaarada qorsheynta ee Soomaaliya  iyo dawlada Japan ayaa waxay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan iskaashiga labada dal.

Shirkaa TICAD oo ah kii noociisa ah ee 6aad oo u dhexeeya dawlada Japan iyo dawladaha Afrika ayaa waxaa lagu lafa gurayaa isbaddal lagu sameeyo dhaqaalaha iyo warshadaha.

Shirkaa ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo waziirka arimaha dibada, C\Salaam Cumar Hadliye iyo masuuliyiin badan oo kale.

Maanta galinka dambe ayaa shirkaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo. Waxaa looga hadlay shirkaa loogana hadlayaa ilaa laga soo xiro dhaqaalaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Sanadkaan oo qura C/Salaam Cumar wuxuu sheegay in dhowr iyo soddon milyan ay dawlada Japan ay siisay Soomaaliya lacagtaas oo qaar deyn ay tahay qaarna deeq.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu waziirku sheegay in Soomaaliya haatan ay diyaar u tahay ganacsi oo ay kasoo baxday godkii mugdiga ahaa.

Waxaa Japan ka fileysaa Soomaaliya inay ka hesho agab ciiriin ah oo warshadaheeda lagu isticmaalo (raw materials) iyo suuqyo ay alaabadadeeda u iib geyso halka ayaduna ay ka saacidi karto dalalka Afrika iyo Soomaaliyaba dhanka tiknoolojiyada iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]