4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 28, 2016
Safiirka Dowlada Soomaaliya u Jooga Mareykanka oo Columbus, OHIO soo gaaray (SAWIRRO)

Axad, August 28, 2016 (HOL) — Safiirka Dowladda Somalia u jooga Mareykanka Axmed Ciise Cawad ayaa maanta soo gaaray magaalada Columbus Ohio ee dalka mareykanka.

Socdaalka Safiirka iyo wafdigiisa waxa uu salka ku hayaa sidii uu ula kulmi lahaa qeybaha kala duwan ee jaaliyada Soomaaliyeed, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Columbus ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah jaaliyada iyada oo loo sii gudbiyay Hotelka uu joogi doono mudada uu Ohio ku sii sugnaanayo.

Waxaa la filayaa in boqolaal Soomaali ah uu kula hadlo kulan balaaran oo habayn danbe ka dhici doona Hoolka kulamada ee  Soomaalidu u taqaan, libaaxyada.

Waxaa jira Dhalinyaro badna oo ku jirta xabsiyada dalka Mareykanka  kuwaas oo waalidiintii dhalay qaarkood diyaar u yihiin sidii dib loogu celin lahaa dalkooda, iyo kuwo siyaabo kala duwan danbiyo loogu haysto, waxayna ka mid ahaan doonta waxyaabaha uu kala hadli doono Soomaalida.

Wada shaqeynta iyo iskaashiga jaaliyada waa hal beega midnimada Bulshada waxaana laf ahaantiisu uu ku boorin doonaa wada shaqeyn buuxda iyo is kaashi si loo gaaro hanaan isku duubni ku salaysan.

Arinta xiisa goonidaa leh waxa ay tahay inbadna oo ka mid ah bulshada waxa ay safiirka la wadaagi doonaan sababta ay safaarada Soomaalidu kuu leedahay DC u aqbashay in dhalinyarada Tahribnka ku soo gashay dalkan dib loogu celiyo dalkooda iyada oo la wada ogsoonyahay marxalada ay soo mareen iyo dhibaatooyinka ku qasbay in dalkan ay iska soo dhibaan.

Boqolaal Soomaali dhalinyaro u badan ayaa xabsiyada xaduudaha Mareykanka ku jira kuwaas oo iska soo dhiibay dalkan walina aysan jirin wax sharci ah oo loo ogolaaday iyaga oo maraya marxalado la xariira sharciga maxaabiista ee dalkan gaar ahaan kuwa xaduudaha iska soo dhiiba.

Danjiraha waxa uu sidookale kulamo la qaadan doonaa dowlada gobolkan Ohio iyo Madax ka socota Columbus.

Ugu dambeyn, Waa markii u horeeysay ee uu safiirkuu yimaado Columbus OHIO oo ah gobolka labnaad ee ugu Soomaalida Badan Mareykanka.

Deeqo Shire (SONNA)
[email protected] 
Columbus, OHIO - USA