4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 28, 2016
Kenya: Hal qof oo qarax ku dhintay degmada Lamu

Axad, Agoosto 28, 2016 (HOL)-Hal qof ayaa ku dhintay miino ku kacday gaari marayay inta u dhexeysa Raskiamboni iyo Kiunga shalay Sabtidii galinkii dambe.

Wadaadka lagu magacaabo Maxamed Shima ayaa ku dhintay isla meeshaa. Askari booliis ahaa oo safarka ku weheliyay ayaa asagu ka badbaaday qaraxaa iyo rasaas ka dambeysay oo lasheegay in lagu furay. Askarigaa ayaa dhaawac ahaa markii uu goobtaa ka baxsaday.

Raskiamboni waxay qiyaastii u jirtaa 4 km saldhigga booliska ee Ishakani ee deegaanka Kiunga, ee degmada Lamu.

Hal qof oo lagu tuhmay inuu lug ku lahaa falkaa ayaa lasoo xiray waa sida hadalka loo dhigaye. Qori AK47 ahna waa lasoo helay.

Gaariga qaraxu burburiyay ayaa waxaa lahaa dawlda Kenya. Haatan ayaa dambibaareyaal ay ku hawlan yihiin baaritaano dhacdadaa la xiriira.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]