4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 28, 2016
Cali Roba: Mandheera waxaa la dagay falal dambiyeed

Axad, Agoosto 28, 2016 (HOL)-Gobernatooraha Mandheera Cali Roba ayaa sheegay in degmadaa ay falal dambiyeed la dageen.

Cali Roba ayaa intaa raaciyay in horumarka uu fal dambiyeedku hoos u dhigay oo horumarku uu haatan yahay mid gaabis ah. Cali Roba wuxuu sheegay in fal dambiyeedku uu tanaazul usameeyo adeegyada ama khadamaadka iyo koboca dhaqaalaha asagoo ka horistaaga degmada inay gaadho yoolasheeda.

Wuxuu intaa raaciyay in argagaxisada, burcadnimo, hijrada aan sharciga ahayn, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo kaabeyaasha oo xun iyo weliba xadka Kenya iyo Soomaaliya oo meelo badan ka furan inay sababeen dhibaatooyinka jira.

Wuxuu sheegay in dambiileyaashu ay dhibaatooyinkaa ka faaiideystaan. Asbuucii tagay ayaa uu sheegay Cali in badi dadka reer Mandheera ay ishubeeyaan maadaama aysan kalsooni ah inay ammaan helayaan aysan dareemeyn.

Degmadaa ayaa weeraro badan waxaa kusoo qaaday jabhada Al-Shabaab sanadihii lasoo dhaafay, waxaase sidoo kale ka dhacay colaado u dhexeeyay beelo halkaa wada daga.

Waxaa colaadahaa sokeeye degmadu ku weyday dad badan oo wax gal u ahaa horumarka bulshada iyo dalka kuwaasoo la dilay.

Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa bishii 6aad ee sanadkaan 2016 sheegtay in 16 qof ay ku dhinteen tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday halka loo yaqaano Choroqo oo dhacda degmadaa Mandheera.

Ururo aan dawli ahayn (NGOs) ayaa sheega in xiisada muddada dheer qaadatay iyo colaadaha u dhexeeya beelaha wada daga degmada waxa sababa ay yihiin tartan loogu jiro kheyraatka dabiiciga ah iyo muwaafaqo xumi siyaasadeed.

Roba oo haatan Guddiga Odayaasha Beesha Garre ee uu ka dhashay ay usoo jeediyeen asaga iyo hoggaamiyeyaal kale oo uu kujiro Bilow Kerow inaysan kuraastooda hada aysan mar kale isu soo sharrixin markii la gaaro doorashada xigta ee sanadka dambe ayaa asagu sheegay in maamulkiisu uu isku dayay inuu horumariyo xaalada degmada.

Wuxuu ku baaqay in la kordhiyo soo uruurinta dekhliga kasoo xarooda canshuuraha. Roba ayaa sheegay in haatan ay ka duwan tahay sanadihii hore ee gobolka ay maamuli jireen dawladaha hoose iyo guddiyada magaalooyinka (urban authorities).

Wuxuu u sheegay guddiga maalgashiga (Investments Committee)  in degmadu naqtiintay ama wax ka baddashay yoolkeedii hore ee dakhliga oo ay ka dhigtay 150 milyan oo shilinka Kenya ah balse aysan gaarin yoolkaa wali.

'Yoolkeenu wuxuu ahaa 438 milyan laakiin waxaa noo suurta gashay inaanu soo uruurino 96 milyan bishii 6aad markii la gaaray 30keedii sanadkii tagay kadib markii aanu hoos u dhacnay oo gaarnay ilaa 150 milyan', Roba ayaa sidaa yiri.

'Laakiin waxaan aaminsanahay inay ahayd shaqo wacan, marka loo eego caqabadaha nasoo wajahay'.

Roba wuxuu u sheegay guddiga inay shaqaaleeyeen shaqaale aanan u qalmin shaqooyinka loo dhiibay sababtoo ah waxay la'yihiin xirfadleyaal. Guddiguna wuxuu asaga kula taliyay in shaqaale degmooyinka kale uu ka keeno shaqooyinkaa u qalma.

Warkii hore ee kasoo baxay Guddiga Odayaasha Beesha Garre (Garre Council of Elders) hadii lagu laabto, Bilow Kerow waa uu aqbalay soo jeedinta guddiga odayaasha wuxuuna sheegay inuusan isasoo sharrixi doonin doorashada sanadka dambe.

Si kastaba ha ahaatee, taladaa Cali Roba gaashaanka ayuu u daruuray waana iska diiday asagoo sheegay inuu isa soo sharrixi doono hadii dadku soo doorto iyo hadii kaleba.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]