4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2016
Beesha Samakaab Cali oo Gogol Nabadeed u Fidisay Colaado ka jira Degmada Taleex

/images/2016/Aug/
Sawirka Taleex.


Sabti, August 27, 2016 (HOL) —Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Samakaab Cali ayaa ku baaqay in xal laga gaaro colaado kala dhaxeeya mid kamid ah beelaha dega degmada Taleex ,taasi oo in muddo ah soo jiitamaysay ,isla markaana sababtay khasaare dhinacyo badan isugu jira.

Baaqan oo ay si wada jir ah usoo saareen waxgaradkan ayey ku codsadaan in la helo jawi lagu wada hadli karo ,isla markaana lagu dhameyn karo khilaafkan oo dhamayntiisa lagu sheegay in ay tahay waajib saaran dhinac kasta.

“Ma jirto cid gaara , ama shakhsiyaad gaara oo nabadu ka go’do, waa arin dadka ka wada dhaxaysa oo cid kasta waajib ay ku tahay ka qayb-qaadashadeedu, Iyadoo la garab siinayo cidkasta oo wanaaga rabta, Soomaliduna waxay ku maah-maahdaa, taladada waxaa loo dhiibtaa ciddaan hagarna kaa galayn, hantina kaa dhaqanayn “ ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay odayaasha.

Sidoo kale odayaasha ayaa tilmaamay in la magacaabo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya xal u helidda khilaafka labada beelood ka dhaxeeya ,iyada oo la dar-dar galinayo qabashada shir-weyne ay labada dhinac isku soo hor-fariisanayaan.

“Waxaanu ugu baqaaynaa walaalahayo, ehalkayo ay naga dhaxayso wada dhalashadu in ay soo magacawdaan ciddii wada-hadalkaa uga qayb gali lahayd, iyado xagayagana aanu soo magacaabanayno ciddii na mateli lahayd, lana sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya muddaynta waqtiga iyo madasha kulanka, waa in laga talaaba cid allaale ciddii ka hortimaadda nabaddayntaas ay ku baaqayaan dadka samaha jeceli, ee wanaaga iyo xasiloonidda la raba dadkooda iyo dhulkooda “ ayaa mar kale lagu yiri baaqan.

Dadka soo jeediyey baaqan oo ka kooban culimo, odayaal, aqoon yahan iyo qar ka mida hal doorka dhalin yarada, waxaa kamid ahaa

1-Oday : Saleebaan Abshir X. Diiriye

2-Odey : Cali Macalin  Xirsi

3-Oday: Mohamed Ahmed Taleexi

4-Odey: Jaamac Aw adan Cali

5-Odey: Yuusuf Ciise Maxamed

6-Eng: Mukhtar Abshir X. Diiriye

7-Maayor:  Saleebaan Axmed-Food Xaaji Diiriye

8-Oday: Yusuf Mohamed Yusuf  (dhigane)

9-Oday:  Abdillahi Mohamed Omar (walacwalac)

10-Oday:  Hurre Faarah Xeedhayare

11-Oday: Faarah Mahamuud Abdi (Faarax IsQaniin)

12-Oday: Jama Mohamed Macalin (jama fooje)

13-Oday: Jama Mohamuud Aadan (jama taleexi)

14-Oday: Jaamac Ibraahim Aw Axmed (Waqle)

15-Oday: Salaad Ismaaciil Maxamuud

16-Oday: Cabdirashiid Abshir X. Diiriye

17-Eng: Maxamud Abshir Diiriye

18-Oday:  C/qaadir Abshir X

18-Siyaasi:  Fuaad Cabdi Xaaji Diiriye

20-Eng:  Mohamed Abdi Macalin (xiiray)

21-Eng:  C/qani Cali Faarax Xirsi

22-Sheekh:  Maxamed C/qaadir Finiin

23-Oday: Faarax Jaamac Aw-Aadan (faarax Fadal)

24-Oday: Jaamac Xaaji Diiriye Maxamed (Dhoodi)

25-Aqoon yahan: Cabdifataax Maxamed-Khaliif Xirsi

26-Aqoon yahan : Cabdinaasir Cali-dheere Cabdi Muuse

27-Aqoon yahan : Farxaan Axmed aadan Cali

28-Aqoon yahan:  Mahamuud Salah Ahmed (caato)

29-Aqoon yahan : Mukhtaar Cabdi Xaaji Diiriye

30-Aqoon-yahan : Axmed Aw Maxamed Xasan digdigo

31-Aqoon yahan : C/naasir C/rashiid Axmed Gataa

32-Oday: Cabdiraxmaan Axmed Aw aadan Cali (Cabdi Haaf)

33-Oday: Cabdullaahi Axmed Aw- Aadan Cali (Haaf)

34-Oday: Cabdurashiid Axmed aw-aadan Cali (Haaf)

35-Colonel:  Maxamuud Axmed Maxamed (Gubadle)

36-Colenel :  Saleebaan Cabdi Caatay

37-Jamaal Cumar Ibraahim

38-Maxamed Cali Faarax Xirsi

39-Oday: Aadan Cabdullaahi X

40-Oday: Abdi Ahmed Faarah (abdiraawe)

41-Oday: Abdirahman (cagabaruur)

42-Oday: Abdi-wali Ahmed Taleexi

43-Oday: Ahmed Mohamed Guuleed

44-Oday: Ahmed Mohamed Macalin (caare)

45-Oday: Biilaal C/qaadir Finiin

46-Oday: C/kariim Cali Macalin

47-Oday: C/weli Cali Faarax Xirsi

48-Oday: Cabdi-Cabdullaahi Xaaji Diiriye

49-Oday: Cabdiraxmaan Axmed-Food Xaaji Diiriye

50-Oday: Cabdisamed Maxamed AXmed Sanqadhweyn

51-Oday: Cabdisemd Axmed Aadan Taleexi

52-Oday: Cabdullaahi Abshir X. Diiriye

53-Oday: Cabdullaahi Cilmi Ducaale

54-Oday: Cabdulqaadir Cabdullaahi X. Diiriye

55-Oday: Cali Ismaaciil Maxamuud

56-Oday: Dhagaxay Axmed aw-aadan Cali

57-Oday: Dheeliye Jaamac Aw-Aadan

58-Oday: Digaale Ismaaciil Maxamuud

59-Oday: Iidle Cabdullaahi X

60-Oday: Jaamac Abshir X

61-Oday: Jaamac Cabdi Maxamuud

62-Oday: Mahad Maxamuud Xaaji Diiriye

63-Oday: Maxamed Axmed-Food Xaaji Diiriye

64-Oday: Mohamed Nuur Faarah Xeedhoyare

65-Oday: Sanwayne Jaamac aw-aadan

66-Oday: Waraabe Cabdigadhle  Jaamac (Waraabe Cabdigadhle)

67-Oday: Xasan Maxamuud Xaaji Diiriye

68-Oday: Xasan-dhoodi Ismaaciil Maxamuud

Faysal M. Hassan
[email protected]