10/6/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2016
QM oo difaacday dawlada Kenya kadib warar sheegay inay ku qasbeyso qaxootiga inay Soomaaliya u noqdaan

Sabti, Agoosto 27, 2016 (HOL)-QM ayaa difaacday shalay dawlada Kenya kadib warar soo baxay oo sheegay in qaar katirsan saraakiisha dawlada Kenya ay ku qasbaan qaxootiga Dhadhaab inay Soomaaliya si qasab ah u aadaan.

Khamiistii ayaa idaacada VOA, Laanteeda Afka Soomaaliga  ay soo xigatay wakiil ka tirsan isla QM oo sheegay in qaxootigu cabsi darteed ugu noqonayaan Soomaaliya ee aysan si iskood ah u laaban.

Saraakiisha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay marar badan in la xirayo xeryaha Dhadhaab ayagoo sheegay in sababo ammaanka dartii ah loo xirayo.

Maxamed Mahad Gurxan oo ka tirsan UNHCR ayaa sheegay in qoysaska qaxootiga ah ee doonaya inay ulaabtaan Soomaaliya ee la diiwaan galiyo ay sheegaan inay naftooda u baqayaan.

“Qoysaska aanu wareysanay iyo in badan oo ah dadkii buuxshay foomamka dib u celinta waxay muujiyeen inay u laabanayaan Soomaaliya sababtuna ay tahay hadalada dhibka badan ee soo laablaabta ee saraakiisha ammaanka ee Kenya kuwaasoo dhawaan soo booqday xeryaha,” Gurxan ayaa sidaa u sheegay idaacada VOA.

Wuxuu intaa ku daray in saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee Kenya ay qaxootiga u sheegeen inay tahay inay ka tagaan halkaa ka hor intaan qasab looga kaxeyn.

“Waxaanu la hadalnay qoysas cabsi darteed la laabanaya ee aan u laabanayn si rabitaankooda ah ama iskood ah,” Gurxan ayaa sidaa yiri.

"Waxaanu ku dhiirran nahay in aan xaqiijino in dib ugu noqoshada Soomaaliya ay noqoto si iskaa ah oo sharaf iyo badbaado leh. UNHCR abid kama qeyb qaadan doonto dib u celin lagu qasbo qaxootiga,” intaana wuu yiri.

Gurxan wuxuu sheegay in hadii qaxootiga lagu qasbo inay Soomaaliya si qasab ah ugu laabtaan ay beylah u noqonayaan xatooyo iyo si khaldan oo looga faaiideysto.

“Waxaanu ka baqeynaa in dadkaa dabino u galo kooxo hubeysan ayagoon ogeyn,” sidaa ayuu yiri.

UNHCR waxay heshay warar sheegaya in dabley ay qaxooti horay loo celiyay ay ka dhaceen sahaydii.

Si kastaba ha ahaatee, afhayeen u hadlay UNHCR oo Nairobi jooga ayaa shalay Jimcihii sheegay in Soomaalida qaxootiga ku ah xeryaha Dhadhaab aanan lagu qasbeyn inay halkaa katagaan.

'Sheegashooyinkaasi sax ma ahan. Arinkaa ma aanaan arag. Runtii, dawlada Kenya annaga ayay aad noola shaqeysaa', sidaa ayuu yiri afhayeenkaa oo lagu magacaabo Duke Mwencha.

Qaxootiga ayaa hadii si qasab ah loo celiyo waxay arintaasi xad gudub ku tahay heshiisyo caalami ah oo dawlada Kenya ay ballan qaaday inay qaddarineyso.

Mwencha wuxuu sheegay in ilaa 19 kun oo qaxootigaa ka tirsanaa ay si iskood ah ugu laabteen dalkooda Soomaaliya sanadkaan kaliya.

Wuxuu Mwencha sheegay in markii hore la siin jiray qaxootiga laabanaya qofkiiba $150  ayadoo intoo kalena lagu siin jiray gudaha Soomaaliya laakiin hada lasiiyo $200 markii ay baxayaan, markii ay gaaraan Soomaaliyana intoo kale loogu daro.

QM ayaa sidoo kale horay usii siisa sida wararka aanu ku heleyno raashinkii loogu tala galay saddex bilood qaxootiga laabanaya.

Saraakiil kale oo Kenyan ah ayaa iyana sheegay in hawsha xaqiijinta ah la dhammays tiray balse hannaanka dib u celintu uu qaadan doono waqti intaa ka badan marka la eego xaalada ammaanka ee Soomaaliya.

Horraantii asbuucaan ayaa Waziirka Arimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery uu sheegay in dawlada Kenya aysan hirgalinayn go'aankeedii ahaa xiritaanka xeryaha Dhadhaab ilaa nabadda Soomaaliya ay si taam ah usoo laabato.

Cumar Axmed oo ah nin qaxooti ah oo kunool xeryaha Dhadhaab oo  27 jir ah wuxuu sheegay in qaxootigu nafis dareemeen markii ay maqleen warkaa kasoo yeeray Nkaissery.

Bishii lasoo dhaafay, UNHCR waxay deeqbixiyeyaasha ka codsatay $115milyan oo dheeraad ah si ay si iskood ah qaxootiga ugu celiso Soomaaliya, waa qaxootiga Dhadhaabe.

Dhawaan mar uu soo booqday Kenya, Xog-hayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka John Kerry wuxuu shaaca ka qaaday in dawlada Mareykanku u qoondeysay $117 milyan oo dheeraad ah celinta qaxootigaa iyo dadka abaaruhu saameeyeen ee kunool Soomaaliya.

Kerry wuxuu kaloo sheegay in $29milyan oo kale loogu deeqi doono UNHCR si si badbaado leh oo iskood ah ay ugu celiso qaxootiga Dhadhaab dalkooda Soomaaliya.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Magaalada Nairobi, Kenya
[email protected]













Click here
8/27/2016 4:53 PM EST
Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay shir-madaxeedka lixaad ee Iskaashiga Afrika iyo Jabbaan ee TICAD - [Tokyo International Cooperation on Africa Development] - oo maanta ka furmay Xarunta dalka Kenya ee Nairobi.

8/27/2016 4:32 PM EST
Sabti, August 27, 2016 (HOL) —Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Samakaab Cali ayaa ku baaqay in xal laga gaaro colaado kala dhaxeeya mid kamid ah beelaha dega degmada Taleex ,taasi oo in muddo ah soo jiitamaysay ,isla markaana sababtay khasaare dhinacyo badan isugu jira.

8/27/2016 4:23 PM EST
Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Xaflad qalin-jabin ah oo ay ka qayb-galeen Mas’uuliyiin ka socda Dowladda Somalia, Xubno ka socday Jaamacadaha Waddanka, Rugta Gaacsiga, Bulshada Rayidka, Waalidiin, Macallimiin iyo Marti-sharaf kale, ayaa maanta lagu qabtay Huteelka SYL ee Muqdisho.

8/27/2016 11:39 AM EST
Sabti, Agoosto 27, 2016 (HOL)-Dadka Afrikaanka ah ayaa sida la ogsoon yahay waxay labaatankii sano ee lasoo dhaafay isku maqiiqayeen oo galayeen Talyaaniga kadib marka ay ka tallaabaan biyaha badda Miditaraneanka ee u dhexeeya Talyaaniga iyo waqooyiga qaaradaan Afrika.

8/27/2016 10:56 AM EST
Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Wasiirka Waxbarashada Somaliland, C/llaahi Ibraahim Habane, ayaa sheegay in dugsiyadda hoose caruurta wax loogu dhigo doono af soomaali, isla markaana ku qasban yihiin in dugsiyadda gaarka loo leeyahay iyo kuwo dawladuba inay isku manhaj wax ku wada bartaa.

8/27/2016 10:38 AM EST
Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Sanad kasta 27-ka August, waxaa laga xusaa Soomaaliya Maalinta Xaquuqda Aadanaha, iyadoo Munaasabadaha iyo kulamada la qabto looga hadlaa Heerka ay marayaan dhibaatooyinka la xiriira xaquuqul Insaanka.

8/27/2016 9:36 AM EST
Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Waxaa inta badan la soo dhameystiray dhismihii masjidka Dr Xassan Macalin Gaab oo bilihii ugu danbeeyayba ka soconayay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

8/27/2016 7:45 AM EST
Sabti, Agoosto 27, 2016 (HOL)-Baanka Adduunka ayaa baadi goob ugu jira habab wax ku ool ah oo lagu bara taaro zoonka dhaqaalaha ee horay loo hirgaliyay ee shaqo abuurka ka dhaliya meelaha qaxootigu daggan yahay.

8/27/2016 3:09 AM EST
Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Xukuumadda Masar ayaa shaacisay inay Soomaaliya ka taageerayso sugidda Amniga Somalia, iyadoo tallaabadan ay noqonayso tii ugu horreysay oo ay Masar gacan uga geysanayso ammaanka guud ee Soomaaliya.

8/27/2016 2:58 AM EST
Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Waxaa muran xooggan ka tagan yahay Dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka Soomaliya, xilli ay la isku dayayo in la dhimo tirada ergooyinka soo xuleysa xildhibaannada baarlamaannada soo socda ee Soomaaliya.

8/27/2016 2:38 AM EST
Sabti, Agoosto 27, 2016 (HOL)-Xafladii qalinjabinta ee 4aad ayaa lagu qabtay dugsiga Imaamu Shaafici ee magaalada Balad Xaawo shalay galab.

8/27/2016 2:25 AM EST
Sabti, Agoosto 27, 2016 (HOL)-Odayaasha beesha Garre ee Gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari Kenya ayaa ka dalbay madaxda beesha qaarkood inaysan isu soo sharrixin jagooyinkii ay hayeen doorashada soo socota ee sanadka dambe.