4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2016
Qalinjabintii afraad oo ka dhacday Dugsiga Imaamu Shaafici ee Balad Xaawo

Sabti, Agoosto 27, 2016 (HOL)-Xafladii qalinjabinta ee 4aad ayaa lagu qabtay dugsiga Imaamu Shaafici ee magaalada Balad Xaawo shalay galab.

Xafladaa yaa waxaa ka soo qeybgalay arday, waalidiin iyo maclimiin badan iyo weliba qeybaha kale ee bulshada ee kala duwan. Macalimiin, waalidiin iyo arday badan ayaa khudbado kasoo jeediyay xafladaa.

Xafladaa ayaa waxaa ku qalin jabiyay isla markaana shahaadooyin lagu guddoonsiiyay tobanaan arday ah oo sanad dugsiyeedkaan dhammaystay waxbarashadooda halkaa ay ka wadeen.

Dugsiga Imaamu Shaafici ayaa waxaa lagu bartaa culuumta kala duwan oo maadi iyo diini intaba leh wuxuuna kujiraa iskoolada sida aadka ah wax looga barto ee Gobolka Gedo iyo guud ahaan gobolada koofureed ee Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]