4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 26, 2016
Baladweyne: Dhallinyaro isku taagtay Nooleynta Dhaqanka, Hiddaha iyo Af Soomaaliga [DAAWO]


Jimco, August 26, 2016 (HOL) – Iyadoo aad moodo in uu meesha kasoo baxayo dhankii iyo hidihii ay Soomaalida laheyd, islamarkaana si aan hagaagsaneyn loo isticmaalayo afka Soomaaliga, ayaa markii ugu horeysay magaalada Beledweyne waxaa ka hergaliy dhalinyarro aad u dayar oo iska xil saaray dib u soo nooleynta dhaqankii wanaagsanaa iyo Af Soomaaliga,

Dhallinyaradaan ayaa ku mideysan urur lagu magacaabo ABABIYE, ayaa HOL uga waramay dareenkooda iyo sida ay ugu hanweyn yihiin mar uun in Soomaalidu dib ugu laabato dhaqankii iyo Hidihii lagu soo caano maalay, iyaga oo dhinaca kalana dhalinyarrada uga digay in aan la sii dabar jarin Af Soomaaliga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya