4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 26, 2016
Dhageyso: Jen. Gaafoow oo ka Hadlay Weerarkii ay Al-shabaab ku Qaadday Banaadir Beach

Jimco, August 26, 2016 (HOL) – Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud ayaa ka hadlay maanta Weerarkii ay xalay Al-shabaab la beegsatay Baarka Banaadir Beach oo ku yaalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

 Weerarkan oo ahaa mid isugu jira Qarax iyo weerar toos ah ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay ugu yaraan 10-qof oo isugu jiray kooxihii weerarka soo qaaday, dad shacab ah iyo askar ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Somalia.

DHAGEYSO: Wareysi uu Jen. Gaafoow siiyay Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da:

Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Weerarka, wuxuuna qayb ka noqonayaa tiro weerarro ah oo ay Al-shabaab ka geysatay Muqdisho sannadihii lasoo dhaafay, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo ay horay ugu beegsatay baarar ku yaalla xeebta Liido.

Xigasho VOA Somali

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya