4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 26, 2016
Xabsi Cusub oo laga Dhisayo Magaalada Xamar iyo Mas’uuliyiin Kormeer ku Tagay (SAWIRRO)

Jimco, August 26, 2016 (HOL) – Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr Axmed Cali Daahir iyo taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed, Jen. Bashiir Maxmed Jaamac oo uu wehliyo ku xigeenkiisa, Jen. C/kariin Cali Afrax ayaa kormeer ku tagay halka dhismaha xabsi weyn oo laga dhisayo xarunta Taliska Ciidamada Asluubta ee KM-7, iyagoo indha-indheeyay qaybaha uu ka kooban yahay xabsigan cusub.

Taliyaha Asluubta, Jen. Bashiir Goobbe ayaa Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka uga warbixiyay halka uu marayo dhismaha xabsigan iyo howlaha lagu qabanayo marka uu dhismihiisu dhammaado, isagoo sheegay in bilihii soo socda lasooo gaba-gabeyn doonno dhismaha xabsigan.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in xabsigan uu heer gabo-gabo ah marayo, haddii la dhameystirana uu wax badan ka beddeli doono ciriiriga ka jira xabsiga dhexe ee Muqdisho, wuxuuna intaas ku daray in qorshahoodu uu yahay in xabsiyada dalka oo dhan laga dhigo goob dhaqan-celin ah oo wax lagu baro dadka maxaabiista ah.

Dhanka kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr Axmed Cali Daahir ayaa taliyaha ciidanka Asluubta ku ammaanay isbedelka uu ka sameeyey xabsiyada dalka; isagoo xusay in xabsigan dhammaadka ku dhaw uu Qayb ka yahay Horumarka ay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ku tallaabsadeen.

Ugu dambeyn, Xabsigaan oo si heer caalami ah loo dhisayo, ayaa dhismihiisa waxaa iska kaashanaya taliska Asluubta Soomaaliyeed iyo hay’ad ka tirsan kuwa QM, wuxuuna yeelan doonnaa qaybo kala duwan oo ay ka mid yihiin goobo loogu talo-galay jiifka, waxbarashada, garoomo cayaareed oo kala duwan iyo qaybo ay dagaan garsoorka; waana xabsi ay u dhameystiran yihiin wax kastaa oo aadanuhu u baahan yahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya