Xabsi Cusub oo laga Dhisayo Magaalada Xamar iyo Mas’uuliyiin Kormeer ku Tagay (SAWIRRO)
Jimco,
August 26, 2016 (HOL) – Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr Axmed Cali Daahir
iyo taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed, Jen. Bashiir Maxmed Jaamac oo uu wehliyo ku xigeenkiisa, Jen. C/kariin
Cali Afrax ayaa kormeer ku tagay halka dhismaha xabsi weyn oo laga dhisayo xarunta
Taliska Ciidamada Asluubta ee KM-7, iyagoo indha-indheeyay qaybaha uu ka kooban
yahay xabsigan cusub.
Taliyaha Asluubta,
Jen. Bashiir Goobbe ayaa Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka uga warbixiyay halka
uu marayo dhismaha xabsigan iyo howlaha lagu qabanayo marka uu dhismihiisu
dhammaado, isagoo sheegay in bilihii soo socda lasooo gaba-gabeyn doonno dhismaha
xabsigan.
Sidoo kale,
Taliyaha ayaa xusay in xabsigan uu heer gabo-gabo ah marayo, haddii la dhameystirana
uu wax badan ka beddeli doono ciriiriga ka jira xabsiga dhexe ee Muqdisho,
wuxuuna intaas ku daray in qorshahoodu uu yahay in xabsiyada dalka oo dhan laga
dhigo goob dhaqan-celin ah oo wax lagu baro dadka maxaabiista ah.
Dhanka
kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr Axmed Cali Daahir ayaa taliyaha ciidanka
Asluubta ku ammaanay isbedelka uu ka sameeyey xabsiyada dalka; isagoo xusay in xabsigan
dhammaadka ku dhaw uu Qayb ka yahay Horumarka ay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
ku tallaabsadeen.
Ugu dambeyn,
Xabsigaan oo si heer caalami ah loo dhisayo, ayaa dhismihiisa waxaa iska kaashanaya taliska
Asluubta Soomaaliyeed iyo hay’ad ka tirsan kuwa QM, wuxuuna yeelan doonnaa qaybo
kala duwan oo ay ka mid yihiin goobo loogu talo-galay jiifka, waxbarashada, garoomo
cayaareed oo kala duwan iyo qaybo ay dagaan garsoorka; waana xabsi ay u dhameystiran
yihiin wax kastaa oo aadanuhu u baahan yahay.
Maxamed X.
Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya