Booliska Magaalada Calgary ee Dalka Canada oo Ogolaaday in Dumarka Boliiska ku jira ay xidhan karaan Xijaabka
Jimco, August 26, 2016 (HOL) —Booliska magaalada Calgary ee dalka Canada ayaa ogolaaday
in dumarka ka shaqeeya laamaha booliska ay xidhan karaan xijaabka ,taasi oo looga
gol-leeyahay in dumar badan oo muslimiin ah ay shaqada boolis-nimada ku soo biiraan.
Calgary ayaa ku biirtay Edmonton iyo Toronto oo horey
talaaabadan u ansaxiyay ,waxaana hadda ka dib uu xijaabka kamid noqon doonaa
dharka lagu aqoonsado dumarka muslimiinta ah ee booliska la shaqeeya.
“Sharcigan waxaa la ansixiyay sanad ka hor ,waayo waa ay
yarayd gabdhaha muslimiinta ah ee shaqadan soo dalbanaya, balse hadda ka dib
waxaan rajaynayaa in ay dhacdo ,ma jiro waqti badan oo aan khasaarin-no “ ayuu
yir Rob Patterson oo kamid ah booliska Calgary.
Rob oo mas’uul ka ah kormeeridda dharka booliska ayaa
sheegay in markii hore ay jirtay walaac laga qabay bad-baadada xijaabka ,balse
hadda ay gacanta ku hayaan horumarinta naqshada uu noqon doono xijaabka ay
adeegsanayaan dumarka booliska ah.
“ Waxaan is tusnay in xijaabka lagu ceejin karo qofka
xidhan , waxaana hadda aan ka shaqaynaynaa sidii aan u heli lahayn naqshad
amniga qofka aan waxba u dhimanaynin “ ayuu mar kale yiri Patterson.
Magaalada Halifax ayaa dumarka loo ogolyahay adeegsiga
xijaabka hadii ay soo codsadaan halka booliska magaalada Vancouver uu arintan
tix-galin gooni ah siinayo ,iyada oo kaliya lagu xirayo amarka taliska
sare ee booliska
Qaar kamid ah dumarka ku jira booliska magaalada Ottowa ayaa ogolaansho u
haysta xirashada xijaabka ,iyadoo mid kamid ah dumarka booliska ah ee magaalada
ay isticmaasho sheeladda madaxa lagu xirto, taasi oo dhiiri-galin u noqon karta
dumar badan.
Ugu danbayn,booliska Calgary ayaa sheegay in arintan la
ogolaaday ka dib kulamo lala qaatay bulshada musliimiinta ah ee ku nool Calgary
,isla markaana go’aankan uu daba-socdo mid uu booliska Edmonton dumarka ugu
ogolaaday in ay istimaalaan xijaabka sanadkii 2013-ka.
Faysal M. Hassan
[email protected]