4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 26, 2016
QM:Qaxootiga Soomaalida ah oo Kenya isga huleelaya cadaadis soo foodsaaray dartii

Jimco, Agoosto 26, 2016 (HOL)-Hayada QM ee qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in Soomaali badan oo qaxooti ku ahaa Kenya ay haatan qaarba mar isaga tagayaan Kenya kadib cadaadis kasoo wajahay dhanka ciidamada ammaanka.

Saraakiisha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay marar badan in la xirayo xeryaha Dhadhaab ayagoo sheegay in sababo ammaanka dartii ah loo xiraayo.

Maxamed Mahad Gurxan oo ka tirsan UNHCR ayaa sheegay in qoysaska qaxootiga ah ee doonaya inay ulaabtaan Soomaaliya ee la diiwaan galiyo ay sheegaan inay naftooda u baqayaan.

“Qoysaska aanu wareysanay iyo in badan oo ah dadkii buuxshay foomamka dib u celinta waxay muujiyeen inay u laabanayaan Soomaaliya sababtuna ay tahay hadalada dhibka badan ee soo laablaabta ee saraakiisha ammaanka ee Kenya kuwaasoo dhawaan soo booqday xeryaha,” Gurxan ayaa sidaa u sheegay idaacada VOA.

Wuxuu intaa ku daray in saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee Kenya ay qaxootiga u sheegeen inay tahay inay ka tagaan halkaa ka hor intaan qasab looga kaxeyn.

“Waxaanu la hadalnay qoysas cabsi darteed la laabanaya ee aan u laabanayn si rabitaankooda ah ama iskood ah,” Gurxan ayaa sidaa yiri.

"Waxaanu ku dhiirran nahay in aan xaqiijino in dib ugu noqoshada Soomaaliya ay noqoto si iskaa ah oo sharaf iyo badbaado leh. UNHCR abid kama qeyb qaadan doonto dib u celin lagu qasbo qaxootiga,” intaana wuu yiri.

Gurxan wuxuu sheegay in hadii qaxootiga lagu qasbo inay Soomaaliya si qasab ah ugu laabtaan ay beylah u noqonayaan xatooyo iyo si khaldan oo looga faaiideysto.

“Waxaanu ka baqeynaa in dadkaa dabino u galo kooxo hubeysan ayagoon ogeyn,” sidaa ayuu yiri. UNHCR waxay heshay warar sheegaya in dabley ay qaxooti horay loo celiyay ay ka dhaceen sahaydii.

Saraakiil kale oo Kenyan ah ayaa iyana sheegay in hawsha xaqiijinta ah la dhammays tiray balse hannaanka dib u celintu uu qaadan doono waqti intaa ka badan marka la eego xaalada ammaanka ee Soomaaliya.

Horraantii asbuucaan ayaa Waziirka Arimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery uu sheegay in dawlada Kenya aysan hirgalinayn go'aankeedii ahaa xiritaanka xeryaha Dhadhaab ilaa nabadda Soomaaliya ay si taam ah usoo laabato.

Cumar Axmed oo ah nin qaxooti ah oo kunool xeryaha Dhadhaab oo  27 jir ah wuxuu sheegay in qaxootigu nafis dareemeen markii ay maqleen warkaa kasoo yeeray Nkaissery.

Bishii lasoo dhaafay, UNHCR waxay deeqbixiyeyaasha ka codsatay $115milyan oo dheeraad ah si ay si iskood ah qaxootiga ugu celiso Soomaaliya, waa qaxootiga Dhadhaabe.

Dhawaan mar uu soo booqday Kenya, Xog-hayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka John Kerry wuxuu shaaca ka qaaday in dawlada Mareykanku u qoondeysay $117 milyan oo dheeraad ah celinta qaxootigaa iyo dadka abaaruhu saameeyeen ee kunool Soomaaliya.

Kerry wuxuu kaloo sheegay in $29milyan oo kale loogu deeqi doono UNHCR si si badbaado leh oo iskood ah ay ugu celiso qaxootiga Dhadhaab dalkooda Soomaaliya.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Magaalada Nairobi, Kenya
[email protected]