4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 26, 2016
SAWIRRO: Wajigii 1-aad ee dhismaha Waddada Wadnaha ee Muqdisho oo lasoo Gaba-gabeeyay


Jimco, August 26, 2016 (HOL) — Waxaa lasoo gaba-gabeeyay wajigii 1-aad ee dhismaha Waddada Wadnaha ee Muqdisho, iyadoo la dhisay 5-km oo isku xiraysa Isgoysyada Sanca iyo Tarabuunka ee Muqdisho, taaso ay maal-geliyeen gancsato Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somalia, Maxamuud Cabdi Gabeyre oo Hoggaaminayay Ganacsato ayaa booqday Waddada Wadnaha oo la saarayo Laami.

Sidoo kale, Cali Dhoore Xasan iyo Xasan Cali Nuur Warsheekh oo ku hadlyay magaca ganacsatada, ayaa sheegay in waddadan lagu dhisayo lacago ay iska ururiyeen ganacsatada, wuxuuna xusay inay rajeynayaan in sidan ay ku socoto dhismaha Waddooyinka Soomaaliya oo Ganacsatada ay iska kaashan doonaan.

Madaxa Shirkada Kulmiye General Service oo fulineysa Dhismaha Waddadan oo lagu magacaabo, C/qaadir Abuukar Cumar Caddaan ayaa sheegtay in uu meel wanaagsan u marayo dhismaha, isagoo sheegay in waddada la dhisayo ay tahay 5-km.

Wuxuu intaa hadalkiisa ku daray in ay ku guuleysteen meelo biyo fariisin ah oo ku yaallay wadada Wadnaha inay u sameeyaan meelo ay biyaha ka baxaan, waxaana meelaha biyo fariisidka ee ay dadka ku dhib qabeen ka mid ahaa agagaarka Geed-jacayl iyo Masaajidka Biyamaaloow.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Rugta Ganacsatada Maxamuud Gabeyre ayaa uga mahad-celiyay Ganacsatada iyo Maamulka Gobolka Banaadir sida ay isaga kaashadeen Dismaha Waddadaan, Wuxuuna sheegay in Ddalka lagu dhiso karo iskaashi iyo iskaa wax u qabso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya