4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 26, 2016
WARBIXIN: Weerarkii xalay lagu qaaday Mid ka mid ah Baararka ku yaalla Xeebta Liido (SAWIRRO)


Jimco, August 26, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 10-ruux ayaa ku geeriyooday tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen weerarkii xalay kooxo ka tirsan Al-shbaab ay ku qaadeen Banadir Beach oo ka mid ah baararka Xeebta Liido ku yaalla.

Ciidamada Amniga Dowladda Somalia ayaa soo Gaba-gabeeyay Hawlgalka, iyagoo xusay in la dilay kooxihii weerarka soo qaaday, marka laga reebo mid ka mid ah kooxahan oo gacanta lagu dhigay mid ka mid ah kooxahaas.

Taliyaha booliska gobolka Banaadir, Col. Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah ee dowladda ay gudaha u galeen maqaayada, isla markaana ammaanka ay xaqiijiyeen.

“Ciidanka DF Soomaaliya ayaa hadda ku sugan gudaha baarka, kooxihii soo qaaday weerarkana waa la laayay, xaalada amanka way wanaagsan tahay,” ayuu taliyuhu u sheegay Warbaahinta.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa xusay in dadka djhintay ay ku jiraan laba askari iyo shan qof oo shacab ah. Wuxuuna xusay in mid ka mid ah dableydii soo qaaday Weerarka la hayo isagoo dhaawac ah.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu khasaaraha yaraa dhawr weerar oo horay uga dhacay Xeebta Liido ee Muqdisho, iyadoo xalay sheegatay mas’uuliyadda Weerarka Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya