4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 26, 2016
Guddiga doorshada oo ka Warbixiyay sida ay u socdaan Hawlaha Doorashada 2016-ka (SAWIRRO)


Jimco, August 26, 2016 (HOL) — Waxaa shir jaraa’id shalay Muqdisho ku qabtay guddiga Federaalka ah ee Hir-gelinta Doorashooyinka Dadban ee Sannadkan 2016-ka (GFHDD), kaasoo ay ug hadleen qorshaha doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo bilaha nagu soo wajahan.

Guddomiyaha GFHDD, Avv. Cumar Maxamed C/lle [Dhageey], ayaa sheegay inay shirka jaraa’id ay u qabteen sidii bulshada Soomaaliyeed ay ula socod siin laahayeen halka uu marayo qorshe-howleedka doorashada 2016-ka.

Sidoo kale, Guddoomiye Dhagey ayaa sheegay inay Guddiga u suuro-gashay inay u qabsooman hawlo badan tan iyo markii ay si rasmi ah u gud-agaleen hawshii loo ig-maday, qorshahooduna uu ku socdo sidii loogu talo-galay.

Guddomiyaha ayaa intaas ku daray in bishan lagu jiro ee Ogoosto 15-keeda illaa 17-keeda, ay Muqdisho kusoo gaba-gabeyeen kulan Xog-wadaag ah oo socday muddo saddex casho ah, kaasoo u dhexeeyay GFHDD iyo Guddiga maamul-gobaleedyada doorashada dadban (GDGDD), kuwaasoo ka kala socday Somaliland, Puntland, Jubbaland, Koofur-galbeed, Galmudug iyo Hiraan/Shabeellaha Dhexe.

Ugu dambeyn, Cumar Dhagey ayaa sheegay in Guddigu billaabay in madax-dhaqameedyada uu u qabto wacyi-gelin ku saabsan habka lagu soo xulayo xildhibaannada. Wuxuuna xusay in ergada soo xulayaan madaxda dhaqanka iyagoo kala tashanaayo odayada jufooyinka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya