4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 25, 2016
Qarax weyn oo Goor-dhaw lagu Weeraray Baar ku yaalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho


Khamiis, August 25, 2016 (HOL) – Waxaa rasaas xoog leh laga maqlayaa mid ka mid ah baararka ku yaalla xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, iyadoo rasaastan ay billaabatay kaddib markii qarax weyn lagu weeraray Maqaayadaas, ayna markaas kaddib gudaha u galeen kooxo hubeysan.

Maqaayada la weeraray ayaa lagu magacaabaa Banaadir Beach, taasoo markii uu weerarku dhacayay ay ku sunaayeen Dadweyne fara badan, welina rasaasta laga maqlayo.

Wararka ayaa sheegaya inay jiraan khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, balse illaa hadda lama oga khasaaraha inta uu le’eg yahay, sidoo kalena kama aysan hadal weerarkaan hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wixii warar ah ee kusoo kordha weerarkan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL hadii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya