4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 25, 2016
Puntland oo Mamnuucday Gaadiidka Qaadka ku keena dhulka iyo kuwa Xamuulka: WAREEGTO

Khamiis, August 25, 2016 (HOL) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar [Cameey], ayaa lagu shaaciyay in Gaadiidka ka kala yimaada Puntland iyo Koonfurta Somalia ay badeecadaha iyo xoolaha kula kala wareegi karaan oo kaliya degmada Gaalkacyo.

Warkaan ayaa lagu xusay in tallaabadan loo qaaday arrimo la xiriira Ammaanka Magaalada Gaaalkacyo, Waxaana lagu wargaliyay dhamaan hay'adaha ay khuseyso inay fuliyaan Amarkaan. Iyadoo Shabakadda HOL ay u suuro-gashay inay hesho Nuqul ka mid Wareegtadan.

Sidoo kale, Waraaq kale oo kasoo baxaday isla xafiiska Madaxweyne ku Xigeenka Puntland, ayaa 10% qiimo dhimis lagu sameeyay dhamaan Ganacsatada Qaadku ugu soo dago garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale, Waxaa la Mamnuucay Gaadiidka Qaadka ee dhulka soo mari jiray, iyadoo lagu sheegay in Gaadiidkii lagu qabto isagoo dhulka Qaad soo marsiinaya ay xukuumadda Puntland la wareegi doonto.

Ugu dambeyn, Qoraalladaan kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa waxay kusoo beegmayaan iyadoo dhawaan uu Gaalkacyo gaaray Madaxweyne ku xigeenka kaddib markay ka dhaceen qaraxyo ay dad badani ku dhinteen.


Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
Email: [email protected]
Garoowe, Puntlan - Soomaaliya