Puntland oo Mamnuucday Gaadiidka Qaadka ku keena dhulka iyo kuwa Xamuulka: WAREEGTO
Khamiis, August 25, 2016 (HOL) – Wareegto kasoo baxday
Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar [Cameey],
ayaa lagu shaaciyay in Gaadiidka ka kala yimaada Puntland iyo Koonfurta Somalia
ay badeecadaha iyo xoolaha kula kala
wareegi karaan oo kaliya degmada Gaalkacyo.
Warkaan ayaa lagu xusay in tallaabadan loo qaaday arrimo la
xiriira Ammaanka Magaalada Gaaalkacyo, Waxaana lagu wargaliyay dhamaan hay'adaha
ay khuseyso inay fuliyaan Amarkaan. Iyadoo Shabakadda HOL ay u suuro-gashay
inay hesho Nuqul ka mid Wareegtadan.
Sidoo kale, Waraaq kale oo kasoo baxaday isla xafiiska Madaxweyne
ku Xigeenka Puntland, ayaa 10% qiimo dhimis lagu sameeyay dhamaan Ganacsatada
Qaadku ugu soo dago garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf ee Magaalada
Gaalkacyo.
Dhinaca kale, Waxaa la Mamnuucay Gaadiidka Qaadka ee dhulka
soo mari jiray, iyadoo lagu sheegay in Gaadiidkii lagu qabto isagoo dhulka Qaad
soo marsiinaya ay xukuumadda Puntland la wareegi doonto.
Ugu dambeyn, Qoraalladaan kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne ku
xigeenka Puntland ayaa waxay kusoo beegmayaan iyadoo dhawaan uu Gaalkacyo
gaaray Madaxweyne ku xigeenka kaddib markay ka dhaceen qaraxyo ay dad badani ku
dhinteen.
Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
Email: [email protected]
Garoowe, Puntlan - Soomaaliya