4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 25, 2016
AKHRISO: Kooxaha Kubada Cagta Heerka 1-aad ee Puntland oo Maanta Lagu Dhawaaqay

Khamiis, August 25, 2016 (HOL) – Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Puntland oo ay Wehliyaan Xiriirka Kubadda Cagta Puntland, ayaa Maanta ku dhawaaqay sagaalka Koox ee Heerka Koobaad ee Puntland.

Goballada Nugaal iyo Mudug ayaa mid saddex kooxood ku yeeshay 9-ka kooxood ee kubadda Cagta Puntland,halka Goballada Bari iyo Kar-kaar ay kala la heleen 2 kooxood iyo Hal koox.

Agaasimaha Guud ee Cayaaraha Puntland, Axmed C/dalle Tigaana ayaa sheegay in sagaalkan kooxood ee maanta lagu dhawaaqay ay yihiin kuwa heerka koowaad ee Puntland, isla markaana ay hadda kaddib ku meteli doonaan Puntland cayaaraha dhacaya.

Sidoo kale, Xoghayaha Xiriirka Kubadda Cagta Puntland, C/qaadir Cali Juula ayaa sheegay in waqti badan ku bixiyeen sidii ay u soo saari lahaayeen Kooxaha Kubadda Cagta ee Puntland u meteli-doona heerka 1-aad.

Dhinaca kale, Waxaa jira Kooxo kubadda Cagta ah oo ka dhisan Goballada Puntland, kuwaasoo hadal ka jeediyay Warbaahinta sheegayna inaysan ku qancin kooxahan ay sida Wadajirka ah ugu dhawaaqeen Wasaaradda Cayaaraha Puntland iyo Xiriirka Kubadda Cagta ee Puntland.

Ugu dambeyn, Kooxahaan oo horay uga dhawaaqeen Xiriirka kubadda Cagta, ayaa waxaa isku khilaafay madaxda hoggaamiye Xiriirka Kubadda Cagta Puntland, gaar ahaan Guddoomiye C/shakuur iyo Xoghaye C/qaadir Juula, inkastoo amarkii danbe ay wasaaradu so kala dhex-gashay.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
Email: [email protected]
Garoowe, Puntland - Soomaaliya