4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 25, 2016
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo Xaqiijiyay in Malaayiin Doollar laga Xaday Bangiga


Khamiis, August 25, 2016 (HOL) – Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia, Dr. Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in Bangiga Dhexe laga xaday lacag dhan 5,30,000 oo Doollarka Mareykanka ah, sida ay maanta baahisay Warbaahinga Dowladda Federaalka Somalia.

Dr. Bashiir ayaa intaa ku daray inuu falkaas ka dambeeyay mid ka mida Qasnajiyada Bangiga dhexe ee Soomaaliya, kaasoo muddo bil ah soo dhigayay lacago been abuur ah, Dabeedna kala baxayay middii rasmiga ah ee halkaasi taalla,wuxuuna intaa raaciyay inuu shaqsigan baxsaday laguna raad-jooga,

Sidoo kale, Guddoomiyaha Bangiga dhexe ayaa intaas raaciyay inay haatan socdaan baaritaanno lagu ogaanayo cidda ka dambaysay, sharcigana lala tiigsanayo ciddii lagu helo ku lug lahaanshaha arrintaas, wuxuuna sheegay iney haatan xaaladda Bankigu tahay caadi hawshuna ay si wanaagsan u socoto.

Falkaan ayaa ahaa mid maalmihii lasoo dhaafay si aad ah looga hadal-hayay Muqdisho, iyadoo jireen shakhsiyaad loo xiray tuhunkan la xiriira lacagaha laga xaday Bangiga, Waxaana Dadka la xiray ka mid ahaa dad ku dhaw khasnajiga Bangiga Dhexe ee Dalka.

Ugu dabmeyntii, Madaxda sare ee Somalia ayaa dhawaan masuuliyiinta Qaranka waxay kaga digeen in xilligan kala guurka ah lagu takri falo hantida qaranka iyo awoodaha dowlad nimo si qaldanna aan loo isticmaalin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya