Madaxweyne Xasan iyo Kuwa Maamullada Dalka oo ka Qayb-galay Aaskii Jen. Samatar (SAWIRO)
Khamiis, August 25, 2016 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan
Sheekh Maxamuud iyo madaxda maamul-goboleedyada Qaar ka mid ah ayaa maanta ka qayb-galay
Aas qaran oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistee marxuum Jeneraal Maxamed Cali Samantar oo Madaxweyne Ku-Xigeen
ka soo noqdey xukuumaddii militariga ee Somalia.Aaska ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Guddoomiyaha
Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar
Cabdirashiid Sharma’arke, madaxweyneyaasha maamulka Jubbaland iyo Koonfuur
Galbeed Soomaaliya (Axmed Maxamed Islaam iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan), xubno
ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidammada, danjireyaasha waddamada
shisheeye, ururrada bulshada iyo qoyska marxuum Samantar.
Sidoo kale, Aaska kaddib ayaa waxaa isla xarunta Wasaaradda
Gaashaandhigga lagu qabtey munaasabad xus iyo duco isugu jirta oo lagu maamuusayey
Marxuumka.
“Innaa Lillaahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Marxuum Maxamed
Cali Samantar waxaa uu ahaa hoggaamiye muddo dheer waddankan u adeegayey, innagoo
ixtiraamkaas iyo Wax-qabadkaas eegeyna ayaan ku maamuusney inaan aaskan heerka
qaran ee uu mudan yahay u sameyno. Ciidankeena waxaa uu mar noqdey mid ka mid
ah kuwa ugu fiican Afrika, waxaana marag ma doonnto ah in General Samantar uu
kaalin weyn ku lahaa dhismaha ciidanka tayadaasi iyo karaamadaas leh ee
waddankeena magaca u soo hoyay,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Somalia, ayaa sheegay in Jen. Samantar iyo
waxqabadkiisa ay ku baaqi ahaan doonaan taariikhda Soomaaliya, qof walba oo
Soomaali ahna uu waajib ka saaran yahay inuu waddankiisa wax u qabto si horumar
loogu tallaabsado.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Munaasabaddaasi
mid mid ugu gacan-qaaday xubnaha qoyska marxuumka, isagoo marxuumka Ilaahay uga
baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, iyagan uu samir iyo iimaan Ilaahay
ka siiyo.
Ugu dambeyn, Marxuum Maxamed Cali Samantar ayaa xilligii
dowladda militariga dalka ka soo noqdey Madaxweyne Ku-Xigeen, Ra’iisul Wasaare
, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka, waxaana uu
19-kii bishan August 2016 ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya