4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 25, 2016
50 Qof oo ku Dhaawacmay Qaraxyadii Todobaadkan ka dhacay Gaalkacyo oo wali lagu dabiibayo Isbitaalka GMC

/images/2016/Aug/
Khamiis, August 25 2016 (HOL) -Isbitaalka GMC oo hoostaga jaamacadda Global Science University ayaa waxaa ka socda dadaallo lagu dabiibayo 50 qof oo dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen qaraxyo horaantii todobaadkan gil-gilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi xakiin Xaaji Cumar iyo mas’uuliyiin uu kamid yahay gudoomiyaha barlamaanka Axmed Cali Xaashi iyo saraakiil sar-sare oo ka tirsan laamaha dowladda ayaa dhaawacyadan siyaabo kala duwan ugu booqday isbitaalka.

“Tirada dhaawacyada waxaa kordhiyay awood-da qaraxyadii dhacay ,markii hore tirada hadda aan la tacaalaynno mid ka yar ayaa naloo keenay “ ayuu yiri Cabduraxmaan Axmed oo kamid ah howl-wadeenada Jaamacadda gacanta ku haysa dhaawac-yadan.

“Dowladda waxaan ka rajaynayaa in kaalin wacan ay ku yeelato dabiibka dadka dhaawac ah ee jiifa cisbitaaalkeena ,waxaana ay isugu jiraan kuwa qaba dhaawacyo culus iyo kuwa qaba dhaawacyo fud-fudud “ ayuu mar kale yiri Cabduraxmaan.
/images/2016/Aug/

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Puntland oo ku aadan in dhaawac-yadan loo qaadi doono dalalka dariska ah si halkaa loogu soo dabiibo ,iyadoo taa badalkeed la dhigay cisbitaalo uu ka mid yahay GMC.

Ugu danbayn, Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa aad loo aadkeeyay ,waxaana ku sii qul-qulayay Gaalkacyo madax kala duwan oo ka tirsan Puntland ,iyadoo ay jiraan dad lagu soo qab-qabtay howl-galladii dhacay. 

Faysal M.Hassan
[email protected]