4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 25, 2016
HADLIYE: Somalia kuma jirto Dalalka Ciidanka Nabad-Ilaalinta ah u Diraya Koonfurta Suudaan

 
Khamiis, August 25, 2016 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaan Cumar Hadliye ayaa beeniyay warar sheegayay in Somalia ka mid tahay dalalka Ciidamada u diraya dalka Koonfurta Sudan oo ay colaado ka taagan yihiin.

Hadliye ayaa sheegay inaysan Somalia ciidammo u dirayn Koonfurta Suudaan, isagoo yiri, “Ciidankeenu kuma jiraan ciidamada loo dirayo Koonfurta Sudan, waxaa jiri doona ciidamo ka socda Itoobiya, Uganda iyo kuwa kale oo loo diri doono.”

Kulan ay madaxda Ururka IGAD ku yeesheen bishan magaalada Addis Ababa ayay uga Hadleen Xaaladda dalka Koonfurta Suudaan, qorshaha ciidamo nabad ilaalin loogu dirayo waddankaas iyo sidii xasilloonida loogu soo celin lahaa.

Dalka Koonfurta Suudaan waxaa ka jiray dagaallo sokeeye oo bilowday dhammaadkii Sannadkii 2013-kii, kaddib markii Af-gambi dhicisoobay oo la doonayay in Xukunka lagaga tuuro Madaxweynaha Waddanka adduunka ugu da’da yar Salva Kiir.

Ugu dambeyn, Bishii la soo dhaafay ee ayaa waxaa magaalada Juba ka dhacay iska-horimaadyo culus oo u dhexeeyay ciidammo taabacsan Madaxweynae Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii hore Reik Machar oo hadda lagu daweynayo Magaalada Khartuum ee Xarunta dalka Suudaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya