4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 25, 2016
SAWIRRO: Jen. Maxamed Cali Samatar oo Maanta lagu aasay Muqdisho iyo Madaxda Dowladda oo ka Qayb-galay


Khamiis, August 25, 2016 (HOL) - Allaha u raxmadee Jen. Maxamed Cali Samatar oo dhawaan dalka Mareykanka ku geeriyooday ayaa maanta lagu aasay Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qayb-galay madaxda ugu sarreysa dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Jen. Samatar oo xilal kala duwan kazoo Qaybtay Dowladdii hore ee Somalia ayaa lagu aasay Dhismaha Wasaaradda Difaaca Somalia oo uu mar ka ahaa wasiir, waxaana intii aaskiisu socday aad loo adkeeyay amniga guud ee Magaalada Muqdisho iyo Hareeraha Wasaaradda Gaashaandhigga.

Salaaddii Janaasada ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, wasiirro, xildhibaanno iyo madax kale oo fara badan, waxaana halkaas hadallo ka jeediyay madaxda dowladda Somalia qaarkood.

Waxaa kaloo mas’uuliyiintii aaska goobjoogga ka ahaa ka mid ahaa; Madaxweynayaasha Maamullada Jubbaland Axmed Madoobe iyo Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka hadlay taariikhdii uu lahaa Jen. Maxamed Cali Samatar.

Ugu dambeyn, Mas’uuliyiintii ka hadlay Aaska ayaa waxay tacsi u direen ehellada, qoyskii iyo asxaabti uu marxuumku ka baxay, iyadoo isagana ALLE uga baryay Janno iyo Naxariis. Wuxuuna ka mid noqonayaa tiro mas’uuliyiin ah oo horay loogu aasay Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya