4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 25, 2016
Dibad-baxyo Cadaalad loogu raadinayo Cabdiraxmaan Cabdi oo ka dhacay Magaalooyin kala duwan oo Canada ku yaala

/images/2016/Aug/
Khamiis, August 25 2016 (HOL) -Dhaq-dhaqaaqa black lives Matter ayaa dibad-baxyo  si weyn loo dareemay ku qabtay ilaa todobo magaalo oo ka tirsan Canada ,kuwaasi oo looga soo horjeeday dil magaalada Ottowa loogu gaystay Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa 37 sano-jir Somali ah oo haystay dhalashada Canada.

Dibad-baxayaal sitay boorar lagu dalbanayo in cadaalad loo helo kiiska Cabdiraxmaan ayaa si weyn looga dhex-arkayay dhamaan mudaharaad-yadii dhacay ,waana kacdoondki ugu weynaa oo bulshada rayidka ah ee Canada ay ka qayb-qaadato.

Xarunta weyn ee booliska magaalada Ottowa ayaa waxaa isugu yimid boqolaal dadweyne ah oo ka caraysnaa falka lagula kacay Cabdiraxmaan Cabdi ,kaasi oo dilkiisa loo haysto labo kamid ah booliska magaaladaas.

“ Dadka madow-ga ahi waa ay ka war-qabaan in dhacdooyinka looga soo horjeedo iyaga aysan u dhicin bilaa sabab ,waxaan hadda xal u raadinaynaa arin ka dhacday Ottowa , macno ma samaynayso halka aad kaga nooshahay Canada ,tani oo kale anba waa ay igu dhici karta “ ayuu yiri Rodney Diverlus oo ah asaasaha dhaq-dhaqaaqa Black lives Matter ee Toronto.

Dhaq-dhaqaaqa BLM ee magaalada Toronto ayaa si dhow ula socday baaritaanka lagu hayo kiiska Cabdiraxmaan Cabdi oo laamaha aminga ay sheegeen in dhamaystirkiisa ay qaadan karto muddo bilo ah.

24-tii bishii la soo dhaafay booliska magaalada Ottowa ayaa sheegay in Cabdiraxmaan uu khash-khashaad ku kula kacay qof dumar ah gudaha goob lagu qaxweeyo ,kuna tilmaamay in uu qabay xanuun dhanka maskaxda ah oo aan wali la shaacin.

BLM ayaa doonaysa in la maxkamdeeyo laba askari oo loo haysto dilka Cabdirixmaan ,isla markaana warbixin laga soo saaro sababaha rasmiga ah ee keenay geeridiisa ,inkastoo boolisku uusan inta badan shaacin warbixinada caynkan oo kale ah.

“Dhamaan dadka u dhashay Canada waxa ay xaq u leeyihiin in ay dhigaan dibad-baxyo si nabad ah u dhaca “ ayaa lagu yiri war ka soo baxay laanta u xil-saaran baarista kiiska Cabdi-rixmaan oo si weyn looga dareemay guud ahaan dalka Canada.

Iyadoo uu jiro cadaadis saaran booliska Canada ayaa dhawaan qareenka Ontario Mdeliene Meileur waxa uu sii daayay warbixin ka kooban toban bog oo sharaxaysay toogasho ay booliska Toronto u gaysteen Andrew Loku oo ahaa 45-sano jir.

Ugu danbayn dibax-yadan lagu dalbanayay cadaalad u helo Cabdiraxmaan Cabdi ayaa ka dhacay magaalooyinka kala ah Ottowa ,Hamilton Kitchener, , Edmonton ,Winnipeg ,, iyo waliba Waterloo,waxaana la qorsheeyay in ay sii socon doonaan dibad-baxyadan inta laga xalinayo howshan.

Faysal M. Hassan
[email protected]