4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 24, 2016
BELEDWEYNE: Rag hubeysan oo goor dhaw toogasho ku dilay Askari ka tirsan Ciidanka DF Somalia


Khamiis, Augusto, 24, 2016 (HOL) -- Rag bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw magaalada Beledweyne ku toogtay askari ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Askariga toogashada lagu dilay oo lagu magacaabi jiray Qeys Cabdi Muxumed, ayaa ka mid ahaa ilaalada xarunta maamulka gobolka Hiiraan, waxaana lagu dilay xaafadda Buund-weyn, xili sidda la sheegay uu ku sii jeeday gurigiisa.

Ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan oo gaaray goobta toogashada ka dhacday ayaa wadda howlgal lagu baadi-goobayo kooxihii dilka ka geystay oo goobta ka baxsaday.

Ma'aha askarigii ugu horeeyay ee ka tirsan dowladda Soomaaliya oo rag hubeysan ku dileen isla xaafaddaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya