4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 24, 2016
Daawo: Kulan lagu taageeray go'aanka duubabka dhaqanka G/Hiiraan oo ka dhacay Beledweyne

Arbaco, Augusto, 24, 2016 (HOL) -- Kulan ballaaran oo maanta ay ku qabteen magaalada Beledweyne, siyaasiyiin, aqoonyahanno, waxgarad iyo odayaal dhaqameed ayaa si weyn loogu taageeray go'aanka duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah qorshaha dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Ka qeyb-galayaasha kulanka ayaa dhinaca kale fariin u dirray dowladda federaalka Soomaaliya iyo urur gobolleedka IGAD oo ay ka dalbadeen in la dhageysto sidda ay hadalka u dhigeen rabitaanka shacabka ku dhaqan gobolka, iyaga oo mar kale ku celiyay in aysan aqbali doonin dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe, madaama horay duubabka gobolka arintaa go'aan uga soo saareen.

Shirkan ayaa imaneya xili dhinaca kale magaalada Jowhar la filayo dhawaan in mar kale uu dib uga furmo shirka maamul u sameynta labada gobol sidda ay sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo qaarkood hadda ku sugan magaalada Jowhar.

Xubnihii ka hadlay kulanka maanta ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan hore Max'ed Cumar Gaagaale, Drs Maryan Xaaji Cilmi, nabadoon Faarax Raage Kooshin, Cilmi Xasan C/dulle, iyo ugu danbeyntii nabadoon Ibraahim Guure Cali

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya