SAWIRRO: Madaxweynaha oo Arrimaha Horumarinta iyo Dib u dhiska Somalia kala hadley Madaxa UNDP
Arbaco,
August 24 2016 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Madaxa Barnaamijka Horumarinta ee
Qaramada Midoobay (UNDP), Helen Clark, oo booqasho ku joogta dalka.
Madaxweynaha
iyo madaxa UNDP waxay ka wadahadleen barnaamijyada horumarinta ee dalka ka
socda ee qeybta ka ah mashaariicda dib u soo kabashada Soomaaliya, arrimaha
dhalinyarada, shaqo abuurka iyo sameynta xarumo dhalinyarada ay ka bartaan
xirfadaha kala duwan.
Madaxweyne
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, muhimadda
kowaad ay siineyso baahinta adeegyada aasaasiga ee bulshada sida caafimaadka,
waxbarashada, biyaha , horumarinta xirfadaha dhalinyarada iyo nabadgelyada,
loona baahan yahay in laga taageero .
“Waxyaabaha
muhiimadda inoo leh waxaa ka mid ah inaan dhalinyarada siino fursado ay ku
bartaan xirfado ay ku shaqeystaan, dhaqaalena ay ku sameysan karaan. Dagaalka
aan kula jirno argagixisada Al Shabaab oo maraya marxalad gebagabo ah, ayaa
waxaa lagama maarmaan ah inay barbar socdaan barnaamijyada dhaqan celinta,
baahinta adeegyada aasaasiga ee dadku u baahan yihiin iyo in la jiheeyo
dhalinyarada’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Waxaa sidoo
kale Madaxweynaha iyo wafdiga ay ka wadahadleen arrimaha qabanqaabada
doorashooyinka, qoondada haweenka ay ku leeyihiin goleyaasha qaranka iyo in la
sii wado taageerada barnaamijyada horumarinta ee Soomaaliya.
Helen
Clark, Madaxa UNDP ayaa Madaxweynaha iyo dowladda ku ammaanay horumarka muuqda
ee laga sameeyay dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.
Ugu
dambeyn, Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda
Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Maxamed X.
Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya